|

Haweenka Puntland oo aan ku faraxsanayn qoondada ay ka heleen baarlamaanka cusub

Garowe 31.Dec 2013 (SDN)-Haweenka Puntland ayaa muujiyay sida aanay ugu faraxsanayn qoondada ay ka heleen baarlamaanka cusub ee uu yeeshay maamulka Puntland.

Haweenka kulanka qabtayGuddoomiyaha dalladda nabadeynta haweenka Puntland Xaliimo Maxamed Faarax ayaa wax laga xumaado ku tilmaantay in 66-da  xubin ee golaha wakiillada ay ku jirto hal haween oo kaliya oo lagu magacaabo Raxmo Cabdixabiib Jaamac.

Waxey tilmaantay in arrintaasi ay ugu wacan tahay odayaasha dhaqanka oo aanan muhiimad siin kaalinta haweenka ee dhinaca siyaasadda.

Xaliimo ayaa xustay inay sii wadi doonaan dadaalka ay ugu jiraan sidii ay ugu qeyb qaadan lahaayeen dhinacyada kala duwan ee siyaasadda maamulka.

Wakiilka gaarka ah ee xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa xilli sii horeysay u jeediyay odayaasha dhaqanka iyo madaxweynaha Puntland in haweenka shan xubin laga siiyo golaha wakiillada cusub ee Puntland.

Dhinaca kale qaar ka tirsan musharraxiinta u tartamaya xilka madaxtinimada ayaa soo dhoweeyay golaha wakiillada cusub ee Puntland.

Garowe SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed