|

Wasaarada Tamarta oo ka warbixisay Waxqabadkeedii

Hargaysa 31.Dec 2013 (SDN)- Wasiirka wasaarada  Macdanta iyo tamarta jsl mudane xuseen cabdi ducaale ayaa maanta ka warbixiyay  waxaqabadkii u qabsoomay wasaarada tamarta iyo biyaha.

wasiirka macdantaWasiirka wasaarada Macdanta iyo tamarta oo xafiikiisa shir jaraaid ku qabtay ayaa sheegay  in madaxweynaha jsl   markii uu arkay ahmiyada biyuhu ay u leeyihiin nolasha ibno aadamka in uu u sameeyay wasaarad u gaar ah oo ka shaqaysay horumarinta biyaha waxaanu intaa ku daray in markii uu wasaarada la sameeyay wixii ugu horeeyay ee ay qabteen ay  ahayd sidii ay u samayn lahaayeen qaabkii iyo hanaankii ay wasaaradu shaqayn lahayn.

Wasiirka oo ka waramaya waxyaabihii u qabsoomay wixii ugu muhiimsanaa sanadka sii dhamaanaya waxa uu tilmaamay in hawsha biyo balaadhinta iyo fidinta dalku ay si habsami ah u socoto , isalmarakaa ay ku jiraan mashaariic biyaha lagu gaadhsiinayo dhamaan magaalooyinka waaweyn ee dalka , waxaanu intaa raaciyay in mashruucii biyo galinta cusub ee caasimada hargaysa ee xunbo weyne  uu sidii loogu talo galay uu u socdo  islamrkaa biyaha la gaadhsiin doono dhamaan goobihii loogu talo galay.

Wasiirku waxa uu sheegay in ay dhiseen 34 ceel   halka ay dayac tir ku sameeyeen 14 ceel oo kale islamrkaaa ay meelo kale oo dalka ah ay kasoo saareen biyo macaan oo la cabo waxaanu gabagbadii sheegay in shaqaalaha wasaaradu ay ka qeyb galeen siminaaro caalami ah oo lagaga hadlaayay culuumta biyaha isalamrkaa ay dhiseen aqoonta shaqaalaha waaxada biyaha ee wasaarada

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed