Uncategorized

Haweenka Somaliland oo Weli raacdo ugu Jira Sidii ay u heli lahaayeen Kuraas Kooto ah oo doorashada Baarlamanka

Hargaysa 23.October 2013 (SDN)-Wasiirka Wasaaradda Deegaanka Marwo Shukri Xaaji Baandare oo ay wehelinaysay Wasiir ku xigeenka wasaaradda Qoyska iyo Arimha bulshada Marwo Shukri Xariir ayaa hotel maansoor ee Magaalada hargaysa ka furtay shir muddo hal maalin ah soconaya oo lagaga arrinsanayey sidii Hal go’aan oo midaysan looga soo saari lahaa qorshe la isla sii ogaado oo haweenku ay golayaasha kaga heli doonaan kuraas kooto ah oo aan tartan ku xidhnayn.

 

 

Shirkan oo ay soo qabanqaabisay Daladda haweenka ee Negaad ayaa hadal ay ka jeedisay Marwo Shukri Xaaji Baandare waxa ay sheegtay in haweenka somaliland ay muddo soo wadeen hadeerna sii wadayaan dadaalka ay ku doonayaan inay ku helaan xuquuqdooda aasaasiga ah ee ka qaybgalka siyaasadda dawladda, waxana ay xustay in shay kasta oo aan laga daalin ugu dambaynta laga midho dhaliyo.

 

 

Shugri baandare iyo Xil wareeejWasiirka wasaaradda Deegaanku waxa ay tilmaantay in isku xidhnaan la’aanta haweenka somaliland iyo qaybo ka mid dhaqanka bulshadu ay ka mid yihiin sababaha ugu waaweyn ee hortaagan himiladooda siyaasadeed iyo guul ay ka gaadhaan tartan kasta oo yimaadda. halka sidoo kalena ay xustay in wakhti dheer ka xigo xiligii doorashada u horaysa la qaban lahaa, haweenkana looga baahan yahay inay ka diyaargaroobaan sidii ay uga ansixin lahaayeen golayaasha sharciga in haweenku ay helaan kuraasta kootada ah ee Golayaasha dawladda.

 

 

Marwo Kaltuun Sh Xasan cabdiraxmaan Gudoomiyaha daladda Haweenka ee NEGAAD oo kulanka maanta ka hadashay ayaa sheegtay in haweenka u xilsaaran ka midho dhalinta hadafka ku saabsan inay haweenku kuraas kootto ah helaan loo kala saari doono qaybo kala duwan oo qayb waliba hawsha qayb ka mid ah ay ka shaqayn doonto. ugu dambaynta la isu keeni doono natiijooyinka.

 

 

Gudoomiyaha daladda Negaad waxa ay halkaa ka caddaysay in dhamaan ka soo qayb galayaashii kulankan oo ay ka mid ahaayeen xubno ka tirsan Golaha wasiirada, xildhibaanada golayaasha qaarkood, ururada bulshada cuqaasha, Culima’udiinka, hay’adda xuquuqul Insaanka Qaranka iyo haween weynaha somaliland ay kulankan iskula qaateen in gebagebadiisa laga soo saaro go’aan midaysan oo ku saabsan rabitaanka haweenka somaliland ee ka qayb galka siyaasadda iyo sidii ay haweenku kuraas kootto ah oo go’an uga heli lahaayeen golayaasha qaranka marka la gaadho sanadka 2005-ta oo ku beegan marka la qabanayo doorashada baarlamaanka iyo madaxtooyada ee dalkan JSL.

 

 

Hargaysa SDN.

 

Qurbejoog.com