Nairobi 23.October 2013 (SDN)- Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa ku gacan seyrtay eeda loo soo jeediyey qaxootiga Soomaalida ee ku jira xeryaha Dhadhaab oo ahaa in ay ka qeybqaataan falalka argagixisada.
Safiirka Soomaaliya u fadhiyo Kenya Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) ayaa sheegay in qaxootiga aysan wax lug ah ku laheyn howlaha argagixisada, iyaguna ayba yihiin dhibanayaal.
”Qaxootiga ku jira xeryaha Dhadhaab waa dad aan waxbo galabsan, waxaan rabaa in aan iraahdo in qaxootiga ay yihiin dhibanayaal, qaar kamid ah ayaa la dilay, haween ayaa la kufsaday, carruurna waa la dilay’’, sidaas waxaa yiri Danjire Cali Ameeriko oo wariyeyaasha kula hadlayey magaalada Nairobi.
Wuxuu sheegay in uusan jecleysan marka uu warbaahinta qaarkeeda ku arko in qaxootigu yihiin argagixiso.
Safiirka ayaa ka jawaabayey eedeymo ay soo jeediyeen siyaasiyiin Kenyan ah oo ku aaddan in qaar kamid ah kooxihii bishii hore weerarka ka geystay xarunta ganacsiga ee Westgate lagu soo tababaray xeryaha Dhadhaab.
Saraakiisha amniga ee dalka Kenya ayaa Khamiistii la soo dhaafay u gudbiyey golaha baarlamaanka warbixin tilmaameyso in weerarkii Westgate laga soo qorsheeyey Dhadhaab, dad kaararka qaxootiga watana ay qeyb ka ahaayeen.
600,000 oo qaxooti Soomaali ah ayaa ku nool Kenya, kuwaasoo intooda badan degan Dhadhaab oo ah xerada ugu dadka badan ee ay qaxooti degan yihiin caalamka oo dhan.
Nairobi SDN.
Qubejoog.com
