|

Hay’Adda Fadhigeedu Yahay Wadanka Ingiriiska Oo Dacwad Ka Gudbisay Xukuumadda Siilaanyo, Cabudhinta, Tacadiyada Iyo Xadhiga Ay Ku Hayso Saxaafadda

Hargeisa 31 july 2014 (SDN/QJ) Hay’ad Samafal ah oo Magaceeda la yidhaa Somaliland Aid, fadhigeeduna yahay Magaalada London ayaa haatan dadaal ugu jirta sidii ay uga hor tagi lahayd, Xad gudubyada

Hay’adda fadhigeedu yahay Wadanka Ingiriiska ee Somaliland Aid oo Dacwad ka gudbisay Xukuumadda Siilaanyo, Cabudhinta, Tacadiyada iyo Xadhiga ay ku hayso Saxaafadda.

Hay’ad Samafal ah oo Magaceeda la yidhaa Somaliland Aid, fadhigeeduna yahay Magaalada London ayaa haatan dadaal ugu jirta sidii ay uga hor tagi lahayd, Xad gudubyada ay xukuumada Silaanyo ku hayso Saxaafada Madaxa banaa ee Somaliland, iyada oo qoraalo u gudbisay, Hay’adaha xuquuqda Isaanka u Dagaalama sida,Amnesty International, Human Right Watch iyo Waliba Ururka Saxafiyiinta aan Xuduuda lahayn.

Dhinaca kale Sida ayXaqiijiyeen Saraakiil Sarsare oo ka mid ah Hay’adda Somaliland Aid ayaa Hadhnaagnews u xaqiijiyay in ay qorshaynayaan Mudaharaad ka dhici doona Badhtamaha Magaalada London kaasi oo lagaga Cabanayo Xadgudubyada Dhinaca Saxaafadda ee ay Xukuumadda Silaanyo mudadii ay Jirtay Saxafiyiin tiro badan Xabsiga Dhigtay, qaar kalena ay haatan u Xidhan yihiin Xukuumada Silaanyo.

Waxa kale oo ay qaaday talaabooyin aan horey uga dhici jirin oo ah in ay Iridaha u laabto Xarumaha Warbaahinta, iyada oo ay hadda xidhan yihiin laba Xarumood oo Warbaahineed oo kala ah Hubaal iyo Haatuf oo ay labadaba Xayirtay Xukuumadda Siilaanyo.

Ugu danbayntii talaabadan ayaa ku soo beegantay kadib markii ay Xukuumadda Silaanyo Xabsiga dhigtay, Tafatiraha Shabakada Wararka ee Baligubadle Meda Mudane Axmed Aadan Rooble , oo ay ku eedeeyeen in uu wax ka qoray Caafimaadka Madaxweynaha Siilaanyo,in kasta oo uu Madaxweynuhu Cafiyay haddana 27-07-14 ayaa Ciidamada CID-da ayaa ka qabtay badhtamaha Magaalada Hargaysa Waxana ay Wararku intaa ku darayaan,in uu Madaxweyne ku xigeenku Dacweeyay,taas oo uu muujinaysa in aanay Xukuumada Siilaanyo wada Socon.

Hargeisa SDN/QJ

Maxamed Aadan Qurbe Jog

Concat@somalidiasporanews.com

Comments are closed