|

Heshiis Qarsoodi ah  oo Somaliland Ka Dhan ah oo Dawlada Federaalku La Gashay Isu Taga Imaaraadka Carabta & Caqabadaha Somalia kaga Iman kara Heshiis Mugdi ku Jira

Dubai 02.October 2016 (SDN/QJ):- Berbera , waxa ay dhacdaa meel u dhow gacanka Cadmeed oo ah marinka “ Baab Al Mandab” oo ah goob laga go’doomin karo dekadaha iyo Maraakiibta wadamada Djibouti , Yemen, Saudi Arabia, Masar , Saldannada Cumaan iyo Bahrain.

 

xasan-imaaraadBerbera waxaa oo ay gacanta ku hayso Somaliland oo Somalia ka go’day sannadkii 1991kii,iyadoo Somaliland iyo Somalia midoobay sannadkii 1960-kii balse aan wali dunida ka helin aqoonsi buuxa.

 

Somaliland iyo Shirkadda Dekedaha caalamiga ee Dubai ee loo yaqaan DP World  ayaa bishii May, 2016 ku kala saxeexday Magaalada Dubai mashruuc wadaag ah oo ay ku baxeysa lacag dhan $422 Million USD oo dib loogu dhisayo dekadda Berbera, ayna ku maamuleyso shirkaddaasi muddo dhan 30 sano.

 

Heshiiska Somaliland ay la gashay DP World oo uu hore uga hadlay inaanu heshiiskaasi waxba ka ogayn Madaxwyane Somalia Xasan Sheekh ayaa haddana mar qudha lagu soo baraarugay socdaal shaki dhaliyay oo Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ku tagay Magaalada Abu dhabi, kulana kulmay Dhaxal-sugaha Imaaradda Abu dhabi Mohammed bin Zayed Al Nahyan.Lama shaacin waxa laga wada hadlay kulankaasi shakiga dhaliyay ee qabsoomay August 23.

 

Isla September 25, waxaa Xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka soo baxay War saxaafadeed ku qornaa luqadda “ English” oo uu ku sheegay in haddii dib loo doorto uu ka shaqeyn doono xoojinta waxa uu ugu yeedhay xidhiidhka istiraatiijiyadeed ee dowladdiisu la leedahay Isutagga Imaaraat-ka Carabta.

 

Sida heshiiska Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ay la gaadhay Soomaaliya, waxa uu qeexayaa in Imaaraat-ku ay ka aas’aasi doonaan dekad ganacsi xeebaha Soomaaliya oo Somaliland ku jirto oo kaalin muhiim ka cayaari doonta ganacsiga caalamiga ah

 

Fulinta heshiiskaasi , waxa uu ka qeyb qaadan doonaa xoojinta ammaanka marin biyoodka “ Baab Almandab”, halkaasi oo dawladda Isutagga Imaaraat-ka Carabta ay ka dooneyso inay ka sameysato saldhig milatari oo dhanka badda ah .

 

Caqabadaha Somalia kaga iman kara heshiiskan Qarsoodiga ah.

 

Waxaa la tilmaamay in fulinta heshiiskan uu ka hor’imaanayo Istiraatiijiyadda Sacuudiga iyo siyaasadeeda ku aadan Marin biyoodka “Baab Almandab”, taasi oo aaney marna ogolaan doonin Dowladda Boqortooyada Saudi Arabia in Dawladdu Imaaraat-ku maamusho marin biyoodkaasi muhiim-ka ah.Waxaa sidoo kale, arrinkan diidmo kala hor’imaan kara wadamada Djibouti, China iyo Ethiopia.

 

Djibouti iyo Ethiopia waxaa ka dhaxeeya heshiisyo ganacsi iyo mid milatari, waxaana labada dal ay ka heleen taageero dawladda China oo u dhistay khad tareen oo isku xidha Magaalooyinka Addis Ababa iyo Djibouti , si la mid ah Ethiopia waxa ay saanadeeda milatari , raashiin iyo agabyada kale oo ay ku jirto gaadiidka iyo qalabka elektaroonikada ay kala soo degtaa Dekadda Djibouti oo  si casri ah dawladda China ay u dhistay markii dekaddaasi laga eryay Shirkadda DP World oo hore u maamuli jirtay, halka Djibouti iyo Imaaraat-ka xidhiidhkooda diblomaasiyadeed muddo gaaban noqday mid mugdi galay.

 

Dawladdo badan oo ay ku jirto Iran iyo Israel ayaa marar badan isku dayay inay Soomaaliya heshiis la galaan si ay u maamulaan marin biyoodkaasi istiraatiijiga ah oo halis gelinaya ammaanka qaranka qaar ka mid ah wadamada carbeed.

 

Dawladda Isutagga Imaaraat-ka Carabta waa dowlad yar , aan laheyn awood balaadhan oo dhanka milatariga ah, balse ku xeel dheer abuuridda qalaanqal siyaasadeed iyo mid ammaan, iyada oo adeegsaneysa lacagaha ay ka hesho iibgeynta shidaalkeeda.

 

Sida saraakiil sirdoon ay hore u xaqiijiyeen , Dowladda Isutagga Imaaraat-ka Carabta waxa ay ku lug laheyd afgembigii dhicisoobey ee dalka Turkiga ka dhacay July 15, ee shacabka dalkaasi oo taageero weyn u muujiyeen Madaxweynahooda Recep Tayyib Erdogan ay ka hortageen ciidan is abaabulay oo xukunka awood kula wareegaayey, Dowladda Soomaaliya ayaa noqotay dawladdii ugu horeysay ee diidmo adag kala hortagtay afgembigaasi fashilmay,iyadoo iska eegaysa ku lug lahaasha Imaaraadka, halka Dawladda Imaaraat-ka ay dhaleeceysay afgembigaasi 24 saac kadib markii si rasmi ah loo ogaaday inuu guul dareystay.

 

Saraakiisha sirdoon, waxa ay kale oo xaqiijiyeen in Dowladda Isutagga Imaaraat-ka Carabta ay ka dambeysay afgembigii aan dhiigga ku daadan ee Milatariga Masar ay xukunka kala wareegeen Madaxweynaha xabisan Mohamed Morsi .

Maxaa isku beegay heshiiska Somaliland Imaaraadka la gashay iyo kan Somalia.

slDawlada Somaliland ayaa heshiis la sexeexatay shirkada caalamiga ah ee Maalgashiga Dekededaha ee laga leeyahay dalka Imaaraaadka Carabta ee DP World September 2016,heshiiskaasi oo ay ku baxayso lacag dhan $422 Million USD,arrintaasi oo Somalia dhawr jeer uga hadashay siyaabo kala duwan,iyadoo hore uu u sheegay hanti dhawraha guud ee Somalia Nuur Faarax inuu Somaliland dacwayn doono haddii ay heshiiskaasi la saxeexato shirkada Dp World ee Imaaraadka. Inkastoo diidmada Somalia aanu wakhtigaa ficil ku jirin haddana waxa soo baxayey hagardoomooyin kale oo ka waday dalalka jaarka si loo carqaladeeyo heshiiskan Maalgashi ee Dekeda Berbera.

 

Ilaa September 2016 oo ah wakhtigii heshiiska si rasmi ah loo saxeexay waxay Somalia raadinaysay dal kale oo ay la gasho heshiis ku saabsan maalgalinta dekeda Berbera,iyadoo sheegaysa in Somaliland tahay gobol ka mid ah Somalia oo ay maamusho,balse aanu soo shaac bixin dhaqdhaqaayadaasi.Dhinaca kale Masar ayaa xidhiidh diblomaasiyadeed iyo mid Milatari la yeelatay dalka Somalia,iyadoo danaynaysay inay hesho saldhig Milatari oo ay ka ilaaliso Biyaha Niilka oo dalalka uu maro ee Ethiopia ka mid tahay khilaaf ka dhexeeyo.

 

Heshiiskan Somalia iyo Imaaraadka ee ku saabsan dekeda Berbera ayaa muujinaya in lagu marin habaabinayo  heshiiska Maalgalineed ee Dekeda Berbera iyo shirkada Dp World hore u dhexmaray,kaasi oo ay soo dhawaysay Dawlada Ethiopia oo danaynaysa inay isticmaasho dekeda Berbera,iyadoo wakhtigii hore isticmaali jirtay dekeda Djibouti oo ay sheegtay inay qayb ka mid ah wixii uga soo dagi jiray dekeda Djibouti ay u wareejinayso Dekeda Berbera ee Somaliland.

Comments are closed