London:16-Oct-2013(SDN)-Xog-hayihii hore ee Arrimaha Dibadda MaraykankaHillary Clinton ayaa lagu ganaaxay magaalada London kadib markii ay gaadhigeeda dhigatay goob lacag laga baxiyo iyadoo aan Duldhigin warqadda caddaynaysa inay Bixisay Lacagta Parking-ka.
Nin ka mid ah kuwa gawaadhida sharci darada lagu dhigo ganaaxa saara ama u jara oo Goobta yimi ayaa si geesinimo ah ugu jaray gaadhiga Hillary ay wadatay oo ahaa Mercedes qalin ah xilligaasoo ay waliba amniga la socday Hillary u shegeen ninka in ay tahay diblomaasiyad ahna xaaskii Madaxweynaha Mareykanka ee hore Bill Clinton oo ay haatan ku jirto aqalka Chathem House ayna soo laabaneyso balse waa uu ka biyo diiday ninkii isagoo u jaray 80 £ Hillary gaadhigeeda.
Waxey Hillary tagtay halkaasi in ay aqbasho abaal marin ay ka heshay aqalka Chatem House taasoo intii ay gudaha ku jirtay ay ganaaxayaasha Westminister la dhaceen ganaax aan loo naxiirasan ayagoo waliba arkayay in ay wadato gaadhiga diblomaasiyiinta balse waxa uu ninkii ganaaxay sheegay in aanu aqoon u laheyn taasi uu kaliya yaqaano sharciga iyo qofkii baxiya lacagaha
Waxaa amniga Hillary ilaalinayay ilaalada loo yaqaano Secret Service ee ilaalisa amniga madaxda mareykanka sida xaaska iyo qoyskaska madaxweynayaasha soo mara Marykanka.
Magaalada London ayaa caan ku ah taraafik waalan iyadoo aan la iskugu naxariisan in la ganaaxo qofkii meel qalad ah dhigta gaadhiga ama qofkii dhigtaa meel lacag ah isagoo aan iska bixin lacagaha dhigashada.
Warbaahinta dalka ingiriiska ayaa arrinta si aad ah u hadal haysa, iyagoo ninkii taraafiga ahaa ee lacagtaas jarayna u magacaabay geesi aan aqbalin in sharciga lagu tunto, waxana ay arrintaasi ka yaabisay kooxdii ammaanka Cilinton qaabilsanayd oo aan wax ixtiraam ah ka helin ninkii taraafigga ahaa.
S.D.N
