|

Shirkada duyuuradaha Imaraadka oo beeniyay hadal ka soo yeeray Somaliland

Dubai March 29, 2024 (QJ) -Diyaarada Emirates Airlines ayaa si cad u beenisay in ay ku lug lahayd shil dhaci karay xilli ay dul mareysay hawada Soomaaliya.

Hay’adda Duulista iyo Hawada Somaliland, ayaa laba maalmood ka hor ku dhawaaqday in khalad ay sameeyeen masuuliyiinta madaarka Muqdisho, uu sababi gaaray shil oo ay ku lug lahaayeen laba diyaaradood oo sida la sheegay ahaa Emirates Airlines iyo Ethiopian Airlines.

Afhayeen u hadlay shirkadda diyaaradaha ee Emirates, oo la hadlay wargeyska Gulfnews ee ka soo baxa dalka Imaaraadka Carabta, ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin wararka ku saabsan in diyaarad kale ku soo dhawaatay duyuuradooda.

Waxa ay tilmaameen in diyaaradaha Emirates Airlines ay ku rakiban yihiin nidaam ay ku ogaan karaan diyaaradaha kale ee agtooda maraya, si loo hubiyo in hab-maamuuska ammaanka la ilaaliyo.

Saraakiil ka tirsan Hay’adda Duulista Hawadda Soomaaliya ayaa iyaguna xaqiijiyey inaanay jirin wax khalad ah, iyagoo iska fogeeyey sheegashada Somaliland oo ay ku sifeeyeen eedaymo aan sal iyo raad toona lahayn.

Comments are closed