|

Hogaamiyaha Mucaaridka Waddanka Kenya Raila Odinga oo Isu Dhaariyey inuu Yahay Madaxweynihii Shacabka Kenya,Ku Xigeenkiisii oo Madashaas aan ka soo Xaadirin & Dawlada oo Talaabadaas ku Tilmaantay Khiyaamo Qaran oo uu Dil ku Mutaysan Doono DAAWO

Nairobi 30. January 2018 (SDN/QJ):-Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa kasoo hor muuqday kumanaan qof oo isugu soo baxay maanta beerta Uhuru ee Nairobi, halkaas oo loogu dhaariyay in uu yahay “madaxweynaha shacabka” Kenya.

Raila ayaa ku dhaartay in uu illaalin doono dastuurka dalka, islamarkaasna uu hoggaamin doono Kenya.

Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga Waxaa hareerihiisa ka muuqday qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka, Inkasta oo aanu Goobtaas ka soo Xaadirin Ku Xigeenkiisii Kolonzo Musyoka .

Hadal kooban oo uu jeediyay Raila dhaarta kadib ayuu sheegay in shacabka ay ridi doonaan wax uu ku tilmaamay xukunka kaligii talisnimada ah.

Doorashadii ka dhacday Kenya sanadkii hore ayaa waxa ku guuleystay Uhuru Kenyatta oo mar kale xafiiskaasi hoggaamin doona,Isla Markaana loo Caleemo Saaray loona dhaariyey, hayeeshee mucaaradka Kenya ayaa doorashadaasi qaaddacay, Isla markaana Sheegay in wax la is daba mariyay, iyagoo Ku doodaya in Iyagu ay yihiin kuwa guuleystay.

Dhanka Kale Xeer Illaaliyaha guud ee Kenya ayaa Raila Odinga uga digay in dhaarinta la Mariyey oo uu ku Sifeeyay fal Khiyaano qaran ah,Kaas oo Ciqaabtiisu tahay Dil Toogasho ah.

Taleefishinada hawada laga saaray ayaa kala ah Citizen TV, NTV iyo KTN oo ah kuwa si gaar ah loo leeyahay.

Wariyaha BBC-da Ann Soy ayaa sheegaysa in hawada laga saaro TVyada in ay tahay talaabo qeyru caadi ah.

Caasimadda Nairobi, iskuulaadka qaar ayaa la xiray cabsi laga qabo rabshado ka dhaca magaalada.

Comments are closed