Uncategorized

Hogaamiyaha xisbiga mucaaridka ee ARD Qaasim Axmed Dini oo abaabul siyaasadeed ka wada guddaha Jabuuti

Jabuuti Dec 25,2011(qurbejoog.com)-Madaxa xisbiga ARD Md Qaasim Axmed Diini oo dhawaan booqasho shaqo ku jooga Jamhuuriyada Jabuuti ayaa wada dhaqdhaqaad siyaasadeed oo dalka laga dareemay.

Md Qaasim oo dhawaan dalka yimi kiyoo ka soo duulay Farance oo xarun u ahyed sanadihii u danbeeyay ayaa waxa uu ka qeyb galay xuska sanad guuradii 20naad ee ka soo wareegtay xasuuqii Arihba.

Md Qaasim ayaa la kulamay madaxda axsaabta kala gedisan ee mucaaridka Jabuuti oo uu kala hadlay sidii loo mideyn lahaa ka miro dhalinta hadafkooda siyaasadeed ee ku wejahan isbedel siyaasadeed oo dalka ka hir gala.

Waraka aanu heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in hogaamiyahan da’ada yari uu u muuqdo in uu ku dedaalayo sidii uu qowmiyadah kala duwan ee dalka uga heli lahaa kalsooni iyo taageero siyaadasadeed.

Md Qaasim Diini oo kalsooni hore uga helay Qurbejooga reer Jabuuti ayaa iminka dedaal ugu jra sidii uu guddaha Jabuuti  ololaha uga bilaabi lahaa.

 

Qurbejoog-Jabuuti

contact@somalidiasporanews.com