Pyongyang Dec 25,2011(qurbejoog.com)-Wiilka ugu yara inamada uu dhalay madaxweynihii hore ee dalka Woqooyiga Kuuriya ayaa ay ciidamada dalkaasi u aqoonsadeen in uu yahay taliyahooda iyo madaxweyanaha cusub ee dalkooda.
Kim Jong-Un oo aabihii uu geeriyooday todobaadkii hore ayaa maanta markoo sadeexaad booqday goobta uu meydka abihii yaalo.isaga oo ay markan weheliyaan saraakiisha sar sare ee ciidamada dalkaasi.
Woqooyiga Kuuriya ayaa ku jira xaalad adhaqaale oo aad u liidatay waxaaney wadahadal kula jiraan dalalka reer Galbeedka si ay raashin gargaar ah oo ay ummadooda ku quudiyaan.
Lama garan karo halka ay sal dhigan karto siyaasada dalkan uu iminka uun la wareegay dhawr iyo labaatan jirka.
Qurbejoog-Pyongyang
