|

Hogaamiyayaasha Maraykanka iyo Sacuudiga oo isku afgartay taageerida heshiiskii Iran

Washington 05.Sep 2015 (SDN/QJ)- Boqorka Sucuudiga Salmaan oo todobaadkan booqasho ku jooga Maraykanka ayaa kulamo uu la yeeshay Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama kaga wadahadlay xaalada beriga dhexe iyo heshiiska nukliyeerka ee Iran.
Dawlada Sacuudiga ayaa kamid ahayd wadamadii khaliijka ee sida weyn uga soo horjeeday heshiiskii dhexmaray dawladaha waaweyn iyo Iran ee barnaamijka Nukliyeerka ee dalkaasi Iran oo uu Sacuudiga walaac weyn ka qabo.

Sucuudiga ayaa sheegay inay ku qanceen balanqaadkii uu Maraykanka kasiiyey in hesiiskan aanu fursad usiin doonin dalka Iran inuu helo wax hub nukliyeer ah, waxayna sidoo kale sheegeen in ay ka wada shaqeyn doonaan sidii looga hortagi lahaa kooxaha Iran maalgeliso ee dagaalada ka wada Yemen iyo Siiriya.

Kulanka labada hogaamiye ayaa kusoo beegmay maalmo kahor xiliga lagu wado Baarlamaanka Maraykanka inuu ka doodo heshiiska Iran, Obama ayaa doonayey taageerada Sacuudiga si uu go’adoon siyaasadeed u geliyo Isra’iil oo ah dalka sida weyn uga soo horjeeda heshiiskaasi.

Isra’iil iyo Sucuudiga ayaa horey diidmo u muujiyey in wax heshiis ah lala galo Iran.

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Sacuudiga Adel al-Jubeir oo shir jaraa’iid ku qabtay safaarada Sacuudiga ee Washington ayaa sheegay in qodobada laga wadahadlay ay kamid ahaayeen Qiimaha Batroolka iyo iskaashiga militariga ee ka dhaxeeya Sucuudiga iyo Maraykanka.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyey dardar galinta hubka Maraykanku ka iibiyo dalka Sucuudiga iyo waliba in labada dal iska kaashadaan in sare u kac xoogan aanu ku iman qiimaha caalamka ee shidaalka, taasi oo dhaawici karta dhaqaalaha Maraykanka.

Comments are closed