|

Hogaamiyii hore ee Pakistan Musharraf oo Maxakamadda Dalkaas ka soo Muuqday

31,mar.2014(SDN)-Maxkamad gaar ah oo qaabilsan qaadista dacwado ka dhan ah hoggaamiyihii hore ee milatariga Pakistan, General Pervez Musharraf, ayaa ku soo oogtey shan eedeymo oo la xidhiidha khiyaano qaran. Talaabadan ayaa u muuqata mid ugub ka ah dal milaterigu ay muddo badan ka talinayeen.

Mr. Musharraf ayaa beeniyey eedeymaha loo soo jeediyey markii la hor keeney maxkamaddaasi oo ku taalla magaalada Islamabad. Haddii lagu helo dembiyada lagu soo eedeeyey waxaa uu xukunkiisa noqon karaa dil.

General Musharraf waxaa uu maxkamadda ka hor sheegay inaanu khiyaanno qaran gelin, isagoo isla markaasina xusey guulihii uu dalku gaadhey intuu uu xilka hayey.

Qareennada u doodaya ayaa maxkamadda u soo gudbiyey codsi ay ku doonayaan in Musharraf oo 70 jir ah loo oggolaado inuu dalka ka dhoofo si uu magaalada Dubai ugu booqdo hooyadii oo xanuunsan.

Dacwadaha la xidhiidha khayaannada qaran ee lagu soo eedeeyey ayaa ka dhashay talaabo uu qaadey sannadkii 2007 oo uu ku hakiyey dastuurkii dalka, isla markaana ku dhawaaqey xaalad deg deg ah isagoo doonayey inuu si hayo xilka madaxweynenimada.
Islamabad,SDN.
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed