Uncategorized

Hogaanka Maamul Goboleedka Punt land oo Shaaciyay in la Diiwaangelinayo Hantida Madaxda

Garowe 18.Feb 2014 (SDN)- Mas’uuliyiinta maamulka Puntland ayaa markii ugu horreysay isku raacay diiwaan-gelinta handida madaxda dowlad goboleedka.

gaasiShirka golaha wasiirrada maamulka Puntland ee shalay ayaa si weyn looga dooday qodobka dhigaya diiwaan-gelinta hantida madaxda maamulka.

Golaha ayaa sidoo kale sheegay in la isku raacay samaynta hay’ad cusub oo diiwaan-gelisa hantida, taas oo hoos tagi doonta wasaaradda maaliyadda ee maamulka Puntland.

Qodobka ah diiwaan-gelinta hantida madaxda maamulka Puntland ayaa ka mid ahaa qodobbadii uu ololihii doorashada ka sheegay madaxweynaha iminka talada haya ee maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Garowe SDN.

Qurbejoog.com