Uncategorized

Hor-jooge ka tirsanaa al-Shabaab oo ku dhintay is-rasaaseyn

Buula Burde 11.Aug (SDN) Hor-jooge ka tirsanaa maleeshiyada al-Shabaab oo lagu magacaabi jiray Cali Wadaafo ayaa ku geeriyooday is-rasaaseyn shalay galinkii dambe dhex martay maleeshiyo uu hor-joogaha u ahaa.

Is-rasaaseynta oo ka dhacday deegaanka Tardo oo ka mid ah deegaannada hoos yimaada degmada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan ayaa timid markii maleeshiyada dagaallanay ay ku murantay in si khasab ah timaha looga jaro nin dhallinyaro oo ka mid ah dadka deegaanka.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka Tardo oo qariyay magacayadooda sababo ammaan ayaa Bar-kulan u xaqiijiyay dhimashada hor-jooge Cali Wadaafo oo ay haleeshay rasaastii ay dhinacyadii dagaallamayay is waydaarsadeen.

Xiisad ayay deegaanka ka dhalisay dhimashadiisa.

Buula Burde SDN.

Qurbejoog.com