|

HORN CABLE TV: QABEE DADKAAGA, BARNAAMIJ WAX WEYN KU SOO KORDHIYEY BULSHADA

10478354_1023080777718308_4837600643476963771_n

Saxaafaddu waa hormuudka qaabeynta fikirka ummad xornimo raadis ah, caddaalad doon ah, isla markaana waa unnuga ugu weyn ee lagu xaqiijin karo habsami u socodka nidaamka dawliga ah ee bulsho dimuqraadi ah oo ka madaxbanaan tacadiga jasmiga iyo caqabadaha maskaxda. Waa aaladda kaliya ee soo saarta haldoorka ummaddi leedahay iyada oo waxsan sheeg lagu qaabaynayo fikirka muwaadinka si xaqiisa loo illaaliyo wixii waajib ku ahna lagu fahamsiiyo.

 

Waxa maanta wax lagu diirsado ah in Telefiishanka Caalamiga ah ee Horn Cable TV markii ugu horeysay ummadda u diyaariyo madal ay ku xisaabtamaan siyaasiga iyo dadweynuhu si fool ka fool ah. Waa arrin ku cusub bulshadeena oo aan hore marnaba ula xisaabtamin cid wal oo rabitaankooda ku awoodeysatey oo mansab iyo xil meel sare ah ku gaadhey. Ama cid wal oo kale oo hunguri kaga jiro in ummadda majaraha siyaasadda u qabato. Waase nasiib wanaag in la helo barnaamij deeqeed noocan oo kale ah oo qaabeeya hab-dhaqanka siyaasiga iyo awooda shacabka oo aan hore isu wajihin.

 

Waydiinta muwaadinka oo ka turjumaysa baahida hadba bulshadu qabto iyo jawaabta masuulka oo kalifaysa in uu ogaado rabitaanka shacabkiisa iyo in uu jiro la xisaabtan dhab ahi waa horumar weyn oo Horn Cable TV u soo kordhiyey shacab taageero raadis ah oo in badan la’aa cidii ay doorteen in ay isku haleelaan saaxad loo goleeyey oo u dhawrsan waydiinta xorta ah iyo jawaabta baqdinta badan ee siyaasiga.

 

Waxa hubaal ah in barnaamijkani kor u qaadi doono fahamka guud ee bulshada, kalsoonida muwaadinka iyo ogolaanshaha siyaasiga ee hadba waxa ka qaldan ama u saxan. Waxa kale oo uu barnaamijkani abuurayaa jawi deggan oo xisaabtan iyo daahfurnaan siyaasadeed leh, iyada oo si habsami ah loogu qaabeynayo caqliga iyo garashada ummad in badan ka aradnayd fikirka xorta ah ee arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha iyo wacyiga guud ee dhaqanka bulshada.

 

Hal-abuurkan cusub ee Horn Cable TV waxa uu si weyn wax uga tarayaa heer-kulka qabyaaladda oo bulshada farabaas ku haysa. Waxa ay ummaddu garawsan doontaa in siyaasigu ka dhexeeyo. Waxana yaraan doonta hiilkii indho la’aanta ahaa ee siyaasigu uga faa’ideysan jiray bulshada aan fikirka ka qaabeysneyn oo ahayd mid u nugul qaylo dhaanta siyaasiga liita ee abtirsiinyo ku xoogsadaha ah. Waxa Horn Cable TV suuro-galiyey in su’aalo saacad iyo shan iyo labaatan daqiiqo ah dadku waydiiyaan siyaasiga in uu xukumo soo hungureeyey, taas oo kalifi doonta in siyaasigu garwaaqsado xaqa muwaadinka.  

 

Waxa kale oo uu hal-abuurkan cusub ee Horn Cable TV kor u qaadayaa nidaamka dimuqraadiga ah ee kala raali-ahaanshiyaha muwaadin wax doortey iyo siyaasi la doortey ama doonaya in la doorto, oo uu isku ogoleysiiyey isla xisaabtan iyo war kala qaadasho joogta ah oo wacyiga iyo hadba qiyamka nolosha ku saleysan. Waana barnaamij ku haynaya siyaasiga gacanta dadweynaha, taas oo fahamsiin doonta cida uu yahay iyo waxa xaq loogu leeyahay in uu ka midho dhaliyo. Si gaaban haddaan u tafsiiro waa Barnaamij cusub oo ka dhigan bare iyo la bare imtixaanku kulansiiyey, waana hubaal in ay ka dhalan doonta natiijo wax ku ool ahi.

 

Ugu dambeyntii, waxa aan si kal iyo laab ah ugu hambelyeynayaa Telefishanka Caalamiga ah ee Horn Cable TV oo noqday Telefishankii ugu horeeyey ee ka badheedha in uu bulshadiisa qaabeeyo gaar ahaan dhinaca fikirka oo ah farsamada kaliya ee bulsho dhib lagaga saari karo. Waxa kale oo aan aad u hambelyeynayaa Wariye Maxamed Cabdi Sheekh (ILIG) oo muujiyey karti iyo xirfad shaqo oo uu heerkeedu aad u sareeyo iyo siyaasiyiinta sida dhabta ah uga badheedhay ee ku dhiiradey in ay soo hor fadhiistaan shacabkooda, ka jawaabaan su’aalaha tooska ah ee ka turjumaya dareenka shacabka iyo waayaha siyaasadda ee wakhtiga taagan. Wa Bilaahi Tawfiiq.

Mohamed Hagi Mohamoud. Department of Politics and International Studies. The University of Warwick. Email: m.hagi-mohamoud@warwick.ac.uk, mohamedomar1@hotmail.com

 

 

 

 

Comments are closed