|

“Xukuumaddu haamaha meel wanaagsan bay ku bixisay oo rag Somaliland ah baa la siiyey, Baarlamaankana waxan leeyahay waa….”Xaaji Cabdi-waraabe.

Hargeysa:Sep,07,2015(SDN/QJ)-Xaaji Cabdikariin Xuseen(cabdi-waraabe), ayaa ka hadlay muranka ka taagan Wareejinta Keydka Haamaha shidaalka Berbera, waxana uu tilmaamay in xukuumadda loo daayo arrintaas.

warXaaji Cabdi-waraabe uu warbaahinta qaarkeeda la Hadlayey, ayaa sheegay in xukuumaddu Haamaha shidaalka Berbera siisay muwaadiniin dalka u dhalatay, waxana uu baarlamaanka ugu baaqay inay arrintaas dhulka dhigaan,  “xukuumaddu haamaha meel wanaagsan bay ku bixisay oo rag Somaliland ah baa la siiyey, Baarlamaankana waxan leeyahay waa wixii Koonfuru ku baaba’daye yeynaan ku baabi’in” ayuu yidhi Xaaji Cadi-waraab.

Xaajiga Hadalkiisa, ayaa imanaya xilli muddooyinkii ugu dambeeyey ay dalka ka aloosan tahay muran laxaad leh oo xukuumadda iyo Baarlamaanka u dhexeeya, kaas oo labada dhinac iskugu tuurtuurayaan cidda xaqa u leh wareejinta Haamahaas.

 

SDN/QJ

Timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed