|

Idaacad ku hadasha afka Al Shabaab oo la duqeeyay

Muqdisho January 27, 2024 (QJ) -Wararka ka imaanaya magaalada Galhareeri ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in shalay mar kale magaalada ay ka dhacday duqeyn dhanka cirka ah oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Duqeynta ayaa lala beegsaday goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo dagaal ka dhacay agagaarka Galhareeri. Sida ay sheegayaan ilo wareedyo ka tirsan ciidamada dowladda, weerarkan ayaa waxaa lagu dilay ciidamo ka tirsan Al-Shabaab.

Saraakiil iyo xubno ka tirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay in lagu dilay duqeyntaasi, sida ay dowladda Soomaaliya u xaqiijisay warbaahinteeda oo soo xiganeysa ciidamo ka tirsan milateriga oo ku sugan qeyb ka mid ah gobolka Galgaduud ee uu ka arrimiyo maamulka Galmudug.

Dadka deegaanka Galhareeri ayaa ku soo waramaya in qarax xoogan uu ka dhacay xaafado ka tirsan degmadaas, waxaana barbar socday rasaas ka dhacday goobihii lagu weeraray. Dadka ku dhaqan gobolka ayaa sheegay in ay ku adag tahay in ay qiimeeyaan inta uu la egyahay khasaaraha ka dhashay duqeyntaasi.

Duqeymahan dhawaan ka dhacay deegaanka Galhareeri ayaa noqonaya kii labaad oo maalmo gudahood lagu bartilmaameedsado fariisimo ay Al-Shabaab ku leeyihiin deegaankaasi. Weerarka ayaa waxaa lagu burburiyay Xarumo xiriir la leh Al-Shabaab oo ay ka mid tahay Idaacadda Andalus, waxaana sidoo kale jira khasaare soo gaaray Maleeshiyaad iyo dad shacab ah.

Comments are closed