|

Ilhaan Cumar oo ka hortimi Heshiiskii Addis Ababa

Minneapolis January 28, 2024 (QJ) -Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo laga soo doorto gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa markii ugu horeysay ka hadashay muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.
Ilhaan oo hadal ka jeedisay xaflad ka dhacday Minneapolis oo loogu dabaal-degayay dib u doorashadii madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegtay in dowladda Mareykanka aysan taageersaneyn in Itoobiya ay dhul ka qaadato Soomaaliya.
Inta aan Congress-ka ku jiro, badda iyo badda Soomaaliya dad kale ma qaataan. Maraykankuna ma taageersana in dadka kale na dhacaan.” Ayay tidhi.
Waxa ay u mahadcelisay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud xilka uu ka qaaday arrintan.
Heshiiskii 1-dii bishan ay wada gaareen Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland iyo Itoobiya ayaa xiisad ka dhex abuuray dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Comments are closed