|

Sucuudiga oo Mashaariic dhan $40 million ka hirgelinaya Soomaaliya

Muqdisho January 28, 2024 (QJ) -Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa daah-furay Mashaariic la xiriira Caafimaadka, Waxbarashada, Biyaha, iyo Gargaarka oo ay Soomaaliya ka hirgelineyso Xarunta Gargaarka iyo Samafalka ee Boqor Salmaan, waxaana mashruucan ku baxaya lacag dhan 40 Milyan oo Doollar.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xaqiijiyay in mashaariicdani ay si weyn uga qeyb qaadan doonaan daboolidda baahiyaha muhiimka ah ee shacabka.
La-taliyaha Boqorka Sacuudiga, ahna Kormeeraha Guud ee Xarunta Gargaarka iyo Samafalka ee Boqor Salmaan, Dr. Cabdallah Bin C/casiis Al-Rabi’a, oo hoggaaminayay Wafdiga Dowladda Sacuudiga ee ka qeyb galayay furitaanka Mashruucan, ayaa sheegay in Dowladda Sacuudiga waxaa ka go’an in ay taageerto qeybaha kala duwan ee ay ka faa’iideysanayaan shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Boqortooyada Sacuudi Carabiya taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed. Wuxuu kaloo hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka walaaltinimo ee labada dal si looga wada faa’iidaysto.

Comments are closed