Uncategorized

War Degdeg ah: Al-shabaab Oo Saaka Soo Weerartay Magaalada Barawe, Gudahana u Soo Gashay

Barawe:Oct,06,2014(SDN/QJ)-Xoogag Ka Tirsan Ururka Al-shabaab, ayaa Saaka Weerar culus kusoo qaaday Magaalada Barawe oo ay dhawaan iskaga Baxeen.

gudeDadka deegaanka Baraawe ayaa soo warinaya inay maqlayeen dhawaqa rasaas aad u xoogan iyo madaafiic dagaalka la isku weydaarsanaayay, waxaana ay sheegeen in dagaalka uu ka dhacayay Koontaroolka Magaalada laga soo galo iyo wado ku aadan dhanka xeebta oo ciidamada Huwanta ay dageen.

Rasaasta dadka ay saaka Magaalada ka maqleen oo aheyd mid aad u culus ayaa walaac iyo cabsi hor leh waxa ay ku abuurtay dadka Magaalada ku sugan, waxa ayna dadka ku sheegayaan in cabsida Magaalada ka jirta ay tahay mid aad u weyn.

Inkastoo xabada xoogeeda ay hada qaboowday, ayaa wararka waxa ay sheegayaan in weli ciidamadii Shabaab ee dagaalka soo qaaday ay ku sugan yihiin xaafado kamid ah Magaalada oo ay ka dagaalamayaan.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha hoose C/qaadir Siidii ayaa ku waramaayo in rasaasta dhaceysa ay tahay mid ciidamada ay ridayaan, waxa ayna ku ridayaan ayuu sheegay doomo badda dhex-taagan oo ciidamada ay ku kala eryayaan.

Siidii ayaa meesha ka saaray in wax dagaal ah uu ka socdo Magaalada, balse rasaasta la maqlaayo ciidanka ay ridayaan.

Hadalka Guddoomiyaha marka laga soo tago dagaal goos-goos ah ayaa hada wuxuu ka socda Koontaroolka Magaalada laga soo galo, welina halkaasi ayeey rasaasta ka dhaceysa.

Lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka culus ee saaka aroortii Al Shabaab ay ku soo qaadeen ciidamada ku sugan Banaanka Magaalada Baraawe.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com