|

In kabadan 10-ruux oo lagu toogtay Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari

Boosaaso April 30 2013 (SDN)— Raga dilka lagu fuliyay ayaa gaaraye 13 qof oo ay ku jirtey haweeney kuwaasi oo qaarkood lagu eedeeyay inay dileen Sheekh caan ka ahaa deeganada maamulka Puntland.

Dadkaan dilka toogashada ah lagu fuliyay ayaa gaaraya ilaa 13 ruux kuwaasi oo la sheegay in lagu toogtay meel fagaare ah oo duleedka Magaalada Boosaaso ku taala.

Xeer ilaaliyaha maxkamada Milateriga maamulka Puntland ayaa sheegay in xukunka uu udhacay sidii loogu talo galay raga la dilayna ay yihiin dad horay ay xuxukuntay maxkamada Gobalka Bari ee maamulka Puntland.

27 February,2013 ayaa maxkamada darajada koowaad ee maamulka Puntland ay xukun dil ah ku xukuntay rag gaaraya 13 oo dilka Dr.Shiikh Axmed Xaaji Cabdiraxman lagu eedeeyay.

Saddex kamid ah raga la toogtay ayaa lala xiriirinaya dilka Dr.Shiikh Axmed Xaaji Cabdiraxman oo December 2011 lagu diley Bosaso halka 10 kale lagu eedeeyay inay ka dambeeyaan qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ee ka dhaca Magaalooyinka maamulka Puntland.

SDN-Boosaaso

Comments are closed