|

35 Suxufi oo ka kala Socday Somalia,Punt land iyo Somaliland oo Hargaysa Tababar loogu soo Xidhay

Hargaysa 30.April (SDN) Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland C.rashiid Jibriil Yuusuf ayaa Saaka ugu Soo Gabo Gabeeyay Huteel City Center ee Caasimada Hargaysa Aqoon isweydaarsi Mudo afar Cisho ah u socday 35 Suxufi oo ka Kala Socday Qaar ka mid ah Idaacadaha ka hawl gala Somalia,Punt land iyo Somaliland.

Aqoon isweydaarsigan oo ay soo qaban qaabisay Radio Ergo Journalist isla markaana lagu baranayay Duruus la Xidhiidha Mabaa’diida Saxaafadda Wanaagsan iyo baahida loo qabo Sidii loo dareensiin lahaa Warbaahinta afka Somaliga ku hadashaa inay Xil iska Saaraan Sidii Wararka,Faalooyinka iyo Warbiximaha ay Bulshada u Gudbinayaan Gundhig uga dhigi lahaayeen kuwo ku qotoma Xaqiiq jirta.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland C.rashiid Jibriil Yuusuf ayaa Tilmaamay in Saxaafadu tahay Seef laba Af leh oo kolba sidii loo adeegsado waxtarkeeda iyo Waxyeeladeeda loo arkayo,Waxa uu Agaasimaha Guud xusay in Xukuumada Somaliland iyo Gaar ahaan Wasaarada Warfaafinta ay ka Go’an tahay in aqoonta Warfidiyeenada Somaliland Kor loo qaado,Waxa uu agaasimaha Guud kula Guubaabiyay Suxufiyiintii Tababarkan ka qayb qaadatay in duruustii ay kasbadeen ay ku dabaqaan Shaqo Maalmeedkooda.

 Geesta kale Waxa uu Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafintu ka dalbaday Weriyayaashii ka Yimid Somalia iyo Maamul Goboleedka Punt land in wixii ay Indhahooda ku arkeen ee ku taxaluqa Isbedelada dhinacyada badan leh ee ay Somaliland ku talaabsatay inay u Gudbiyaan Bulshaddii ay ka yimaadeen,taas oo tusaale ku dayasho Mudan oo ay ku dhiiradaan u noqon karta ayuu yidhi

C.laahi Balaki Oo ku Hadlayay Afka Radio Ergo ayaa Sheegay in Suxufiyiinta looga baahan yahay inay dareensanaadaan Mas’uuliyada Culus ee dad iyo dalba taabanaysa ee ay Ummadooda u hayaan isla markaana khaladka ay sameeyaan uu saamayn ku yeelan karo Nolosha Guud ee Mujtamaca Iyadoo uu Geesta kalena ay Warbaahintu Sabab karto ayuu Yidhi Khilaaf dhibaato ummada u horseeda,

Waxa uu Sarkaalkani Carabka ku adkeeyay in Waxyaabaha ay Saxaafadu faafinayso ay mar walba ku Saleeyaan Xaqiiqada Jirta .

Mas’uulkani Waxaa kale oo ku dalbaday Suxufiyiinta ka Yimid Somalia inay Taxadir iyo Feejignaan dheeraad ah yeeshaan Maadaama ay ku dhex shaqeeyaan Meelo aanu nidaam adag oo Noloshooda damaanad qaadayaa Jirin.

Geesta Kale Weriyayaashii ka Yimid Magaalooyinka kala duwan ee Wadanka Somalia oo Shabakada Qurbe Joog.com wax ka weydiisay Sida ay u arkeen Somaliland ayaa Sheegay in wixii ay markii hore ka aaminsanaayeen ay wax badani iska badaleen iyagoo Xusay inay ku faraxsan yihiin imaatinkooda Somaliland oo ay ka Jirto sida ay Sheegeen Dawlad,Haykal dawladeed oo si dhamaystiran u shaqaynaya.

Waxaa kale oo Suxufiyiintani ay ku amaaneen Shacbiga Somaliland iyo Dawladooduba Wax qabsiga ay sameeyeen .

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

.

 

Comments are closed