Uncategorized

Is Mari Waa ka Taagan Qaabka loo Qorayo Qodobada Wada hadalada Somaliland iyo Somalia

Istanbul 19.Jan 2014 (SDN)- Wada hadalada Somaliland iyo Somalia uga socoda wadanka Turkiga ayaa wali uu ka dhex jiraa Ismaandhaaf dhanka Erey Bixinta ah iyadoo la filayo in Saacadaha soo Socda laga soo Saaro War Murtiyeed Xambaarsan Qodobada ay Labada Dhinac isku afgarteen.

wufuud-somaliland-iyo-somaliyaiyadoo la filayay in heshiis wada jira ay ka soo saaraan maanta galinkii hore labada dhinac. Guddida ayaa xalay goor dambe gabagabeeyay wada xaajoodka iyagoo warbaahinta la balamay 11-kii maalinimo hase ahaatee aanay taasi suuro galin ka dib ismari waa la sheegay inuu ka dhexeeyo labada dhinac ee Somaliland iyo Somalia.

Shirkan oo ahaa wajigii saddexaad ayaa lagaga hadlay laba qodob oo kala ah in la qiimeeyo qodobadii hore loogu heshiiyay in la fuliyay iyo in kale iyo qorshe loo sameeyo wada xaajoodka labada dhinac, si loo sii wado wada hadalka. Qodobada la sheegay in hada laysku mari waayay ayaa ah ah sida loo qorayo qodobada labada dhinac ku heshiiyeen. Wada hadalka ayaa ku eegaa maanta hase ahaatee lama hubo inuu sii socon doono iyo in kale. Sidoo kale waxaan la hubin in heshiis ka soo bixi doono iyo inkale.

Istanbul SDN.

Qurbejoog.com