Tog-Wajaale Nov 14,2012(SDN)-Musharaxa xilka madaxweynenimo ee xisbiga UCID Md Jamaal Cali Xuseenayaa khudbad xasaasiya ka jeediyay ololihii xisbigiisu ku qabtay magaalada Togwajaale.
Jamaal ayaa waxa uu si ba’an u weeraray habdhaqanka xukuumada iyo xisbiga Kulmiye,hadaladii uu Togwajaale uga jeediyay taageereyaasha xisbiga UCIDna waxa ka mid ahaa;
“Aqbali mayno Cadaalad daro in nalagu sameeyo Waayo Xisbigii Udub ayaynu ogeyn sidii loo galey qaadan mayno anagu waynu aragnaa sida ay wax u wado Xukuumadani iyo Xisbiga Kulmiye waxaan leeyahey Cadaalad daradii ayaa badatey Qabyaaladii ayaa noqotey wax caadiya oo sidii la doono loo isticmaalayo oo Tv-yada lala soo Fadhiisanayo rag waaweyn oo Masuuliyiin ahi, anagu Waanu soo Shaqeysaney oo soo xoogsaney ayaanu wadanaa oo nalagu aflagaadeynayay miyaanay ceeb aheyn in hantidii umada la isticmaalo oo sidii la doono loogu tagri falo weynu wada naqaanaa, raga maanta lacagta qeybinaya mid wax hayay kuma jirin ee waxaa la faraqayaa waa hantidii umada, waxaanu tusi Cashuurtii aanu ku bixin jirney anaku u dulqaadan mayno waxa socda Cadaaladii, ayaa lagu tuntey Shuruucdii dalka ayaa lagu tuntey, waxa iska Caadi noqotey in Muqdisho la tago, qadiyadii Somaliland ayaa daciif noqotey.
Xukuumada maanta jirtaa waatii ka qeylyeysay in Doorashada Diiwaan galin la,aan lagu galo waxaan leeyahay Rag cadaalad waayey Sidii Cowsha kala yaac waa dhab oo waa xaqiiq in Cadaalad darada dalka ka jirta ay Rag badani Xamar u yaaceen, waxaan leeyahey may aheyn inaad Xamar u yaacdaan haseyeeshee, waxey aheyd inaad dalkiina ka dhex dagaalantaan, waar sideebaa Somaliland gudaheeda ay Salaadiintii halkan uga ,Magacabayaan oo liis uga smaeynayaan Baarlamaanka Soomaaliya umadani si sharaf leh ayay idiin dooratey codkoodii ayay idin siisey maanta la idinka yeeli maayo Xisbigii Udub ayaa daaqada ka baxey ka Ucidna daaqada ayuu ka baxayaa.
Kulmiyow La Idinka Yeeli maayo inaad noqotaan siidhi walihii, garsoorihii iyo Ciyaartoygii waan idin arkeynaa shacabka Reer Somalilandna maanta la khaldi maayo oo wey ka koreen waxyaabo badan laguna ciyaari mayo waxaa muuqda hadii aad Cadaalad daro ku kacdaan sidaad wadaan in sansaan colaadeed iyo dagaalo Sokeeye dalka ka dhici doonaan, anigu wali Xukuumada hadal xun hore ugumaan odhan manaan dhaliililin, laakiinse maanta waan sheegayaa Runta iyo wax kasta oo jira lana aqbali mayo sida muuqata iyo habdhaqanka ay wado Xukuumada iyo Xisbiga Kulmiye”ayuu yiri Jamaal Cali Xuseen Musharaxa xilka madaxweynenimo ee xisbiga UCID.
SDN-Togwajaale
contact@somalidiasporanews.com
