|

Iska Hor Imaad Dhaawac iyo Dhimasho Sababay Oo Ka Dhacay Magaalada Gaalkacyo

Gaalkacyo,14Nov,2015(QJ/SDN)-Wararka naga soo gaadhaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi uu saaka ka bilowday dagaal u dhexeeya laba dhinac, kaas oo illaa haatan inta lasooo wariyay uu ku geeriyooday hal ruux.

Dhawaaca laba askari oo ka tirsan ciidamada maamulka Puntland ayaa sidoo kale lasoo warinayaa.

Warku waxa uu intaas ku darayaa, in Maleeshiyo beeleed ay weerar kusoo qaaday geerash ku yaalla Agagaarka Iskuulka Yamyska ee magaalada Gaalkacyo, iyadoona wararka qaar ay sheegayaan in Maleeshiyada weerarka soo qaaday ay horay u qabsadeen Geerashkaasi balse ciidamada Maamulka Puntland ay markii danbe ka saareen.

Illaa haatan, ma jiraan warar madax bannaan oo xaqiijinaya khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkan.

Ugu danbeyntii, rasaas goos goos ah ayaa laga maqlayaa gudaha magaalada Gaalkacyo, waxaana sidoo kale goobta gaadhay sida wararku nagu soo gaadhayaan Maamulka Gobolka iyo ka degmada Gaalkacyo.

Wixii warar ah ee kasoo kordha dagaalkaasi kala soco wararkayaga danbe Insha Allaah

Comments are closed