Jigjiga:4-Oct-2013(SDN)-Maamulka Kililka shanaad ee Itoobiya ayaa Ayaamahan ugu dambeeyey Jeelasha ka buuxiyey Waalidiin iyo Arday Soomaaliyeed iyo sababo kala duwan ugu safrayey Dalka Ithiopia.
Dadkan lagu xidh xidhay Kililka shanaad waxa ay gaadhayaa laba boqol iyo kontomeeyo qof, waxaanay ku safrayeen baasaaboorada Somaliland iyo Itoobiya oo u Fiisaysnaa, illaa hadana lama garanayo sababta Maamulkaasi u xidh xidhay dadkan sifaha sharciga ah ku marayey dhulkeeda.
Xidhxidhidda iyo ugaadhsiga dadkan ayaa wali ka socda magaalada Jigjiga iyo Magaalooyinka kale ee ismaamulka soomaalida hoos yimaadda, walina Dawladdu may caddaynin wax sabab ah oo dadkaas loo xidhxidhayo.
Dad ay ehel yihiin dadka Ethiopia lagu xidhxidhay ayaa warbaahinta su sheegay in xadhig loo geystay ehello la dhashay oo sifo sharci ah dalka Ethiopia ku joogay, waxana ay sheegeen inay la yaaban yihiin sababta keentay in dadkaas la xidhxidho.
Xukuumadda Somaliland ayaa iyaduna maalmahan ugu dambeeyey xidhatay xadkeeda wajaale, waxana ay soo celisay dad ku safrayey baasaboor soomaali, iyadoo ku eedaysay in sharco darro lagu siiyey fiisayaasha ay wataan.
Lama garanayo in xidhiidh ka dhaxeeyo talaabooyinka Somaliland iyo maamulka Kililka shanaad qaadeen, balse ilaa hada labada dhinacba waxa ku xaniban Dad doonayay in ay u safraan Itoobiya, waxana isa soo taraya in tallaabadan lagaba maamul qaadeen la xidhiidho arrimo ammaan iyo digniino laga yaabo in sirdoonka laga helay
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com
