|

Ismaandhaafkii Gudoomiye Faysal Iyo C.raxmaan Cirro oo u Jihaysay Kala Mudnaanta Xusaska 18 May iyo 26 June.

Hargaysa 27,May 2016 (SDN/QJ):- Guddomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa bulshada Somaliland u soo jeediyay inay u dhug yeeshaan taariikhada u dhaxaysa Somaliland iyo Somalia sidoo kalana ogaadaan maalmaha 18may iyo 26 juun waxa ay ku kala duwan yihiin .
FAYSALIYO-CIROWaxaanu yidhi Faysal Cali Waraabe “Somaliland Iyo Somaliya waxay ahaayeen laba dal ,shacabkaygiiyow hadaad taariikhda laydinka lumiyo cidlaa laydinka helayaa imika Somaliya waxay samaysay baarlaman ka kooban 275 ah waxay u kala qaateen min 61 inaga waxay ina siiyeen 58 reer waqooyi oo dhan hal beel oo iyaga ah baa inaga badan halkii aynu baarlamanka ka lahayn saddex meeloodaw meel “ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Guddomiyaha UCID oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “arrintan 18may in la dhaho reer baa leh oo ay khalad gasho waa khalad ,taariikhada lama khaldo 26 juun calan waynu helnay laakiin waxa uu la mid yahay ilmo inta aad ku curatay 4 maalmood markii uu jiray saqiiray markaa ma waxaad xusaysaan ka 25 sano jiray mise ka 4 cisho ku saqiiray ,ninka 18 may shakiga galinayaa habeen muu jirin kaas faataxada ayaynu u maraynaa habeen iyo maalintoona kal garan maayo “ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe Guddomiyaha Xisbiga UCID.
Dhanka kale Gudoomiye C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro Hogaamiyaha Aqalka Wakiiladda iyo Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa Sheegay in 18 May tahay Maalin qaran Waxaanu intaas ku daray in Somaliland leedahay Taariikh ka horaysay 18 May isagoo yidhi
“18ka May, waa maalintii qaranka, waa maalinteydii, waa maalintiinii, waa maalintii Somaliland, laakiin Somaliland, waxa ay lee dahay taariikh weyn oo ka horreysay 18ka May, waxa aynu gobanimadeena qaadanay 26kii Juun, waxa aynu la soo noqonay waxa ay ahayd gobanimaddii aynu qaadanay 26kii oo ahayd 18kii May, waa in la ixtiraama 18ka May, taariikhaha kale ee Somaliland-na waa la ixtiraamaya, tii Daraawiishta ayaa la ixtiraamayaa, Somaliland waa la wada lee yahay”

Comments are closed