Ankara April 23 2013 (SDN)– Dowladda Turkiga iyo Maamulka Israel ayaa kawada hadlaya sidii loo xalin lahaa khilaafkii sababay in uu go’o xiriirka ka dhaxeeya Ankara iyo Talaafiif.
Wadahadalo u dhexeeya Labada dhinac ayaa waxa ay ka soconayaan Magaalada Ankara kuwaasi oo hada u muuqda in hormar laga sameynayo.
Ra’iisul wasaare Ku-xigeenka dalka Turkiga Minister Bulent Arinc oo hogaaminaya kooxda Mataleysa Turkiya ayaa waxa uu sheegay in howshu ay sifiican u socoto islamarkaana ay rajeynayaan in ay is afgartaan labada dhinac.
Khilaafka Turkiga iyo Israel ayaa soo bilawday markii ay Israel duulaan ku qaaday Koox Maraakiib ah oo sanadkii 2010kii gargaar u siday Marinka Gaza halkaasi oo ay ku dileen ciimada Israel 9-ruux Turkiyaan ah.
SDN-Ankara
