|

Muxuu yahay jaahwareerka haatan ka taagan Somaliland?

waxaan salamayaa dhamaan saxaafada  S/land  gudo iyo dibadba ka halw  gasho  waxaal leeyahay
waad ku mahad santihiin sida hufan ee aad ugu shaqeyneysaan dadka iyo dalkaba  alla hadin ka amaan mariyee
runtiina u samr cidkastoo idinkula kacda gaf sida a raafkii ay Xukuumada hada haysa taladu idinku sameysay
wakhti dhawaa ee la soo dhaafey hadii aanu nahay  shacab ka qurbahana waanu idinka tacsiyeyneynaa
waxa kale oon salamayaa dhamaan dadka ku  Abtirsada reer S/landers meel kasta oo ay kaga sugan yihiin aduunka
All of the world waxaan idin leeyahay Asalaama caley kum warax ma tulaahi wa barakaatu:

hadii aan u soo laabto qoraalkeyga aan damcey in aan ku cabiro wacyigi hada wadankii ku jiro ama ku soo kordhey
waxaad arkeysaa dadkii reer S/land oo ay ku kulmeen arimo badan oo ay la jaahwareer sanyihiin  hadiiba aan qaar
ka tilmaamo waxa ka mid ah shacab kii reer S/land oo la jaa wareersan Xukuumadii ay doorteen oo ay ka walaacsan yihiin siyaasada ay dadka iyo dalka ku hagayaan waxa ka mid ah wadankii oo lagu asqeeyey Ururo
waxa ka mid ah jaa wareerka ka soo korodhey daraf yada S/land ee ah Goboleysiga waxa ka mid ah jaa wareerka dagaal
waxa ka mid ah Qabiileysiga iyo qabyaladii oo loo sameeyey darawal la yidhaahdo qadimaaye
Xisbiyadii qaran ka oo lagu dhax tuurey wax lagu sheegey Khileef casriyeysan lakiin lama sheegin meesha laga soo tuurey ma kala Jabkii Ucid baa Ma Udub tan kala fadhidaa Ma Kulmiye han wadnaha farta ku hayaa   waxa soo raaca  labadii Gole qaran guurtidii iyo wakiiladii oon laba odhan karin way jiraanba kolihii wasiidada iyo madaxdii la soo doortey oo laba laba isku haysa iyo dhibaatooyin kale oo badan  waxa hadaba is waydiin tu tahay halkee baa laynagaga soo tuurey fayriskan wadan kii kala qoqobey ok hadiiba aan isku doyo inta aan ka sheegi karo aragtideyda:

Murankan hadheey wadan kii hadii ay tahay xubnaha dawlada hadii ay tahay Xusbiyada Qaranka Golashaashii sharci dashintana koley waxaan filayaa maaha wax inagu cusub oo waa tii aynu horeba uuga baraney Madaxweyna Silaanyo wakhtigii uu noqdey Gudoomiyaha Ururkii SNM hadii aynaan iska indho tireyna waxii aynu ka dhaxaleyna waa garaneynaa sii ay aheyd na waa lagarayaa wakhtii uu noqdey gudoomiyaha Wakhtigii laga warejieyna waa lagaran karaa intii kooxood iyo sida ay inoogu fidey Qabiilka iyo qabyaaladuba waxa la odhan karaa nin kii barey Ururkii SNM qabyaalada iyo qudhinku waxa uu ahaa Siilaanyo maantana waa Gudkii oo kabo loo galiyey ba oo ka hadal ba male markaas waxaan leeyahay shacaboow maynagaa qaldan mise waxa qaldan nin ka aynu naqaaney maamulkiisa iyo waxtarkisiba ee hadana aynu keesaney Kursigii u sareeyey wadanka ahaana muraayadii wadanka  koleytana  toobad keen mooyee malaha ka calaacal maantee halaga yeesho talo qaran hadii kale aynu sugno inta aynu sifiican ugu dhaceyno jarka:

Hadaba shacab ka reer S/land waxaan leeyahay hadiiba aynu maanta leenahay xukuumadii aynu soo dooraney ee aynu siiney codkeenii way ina jiheyn wayday ama waba laga walaac san yahay sida ay wax u wado waxaan leeyahay umadaha kale waxa ay ka sii faa loodaan waxaas hadii aynu falo maa inooga iman kara maxaa faa iido ama faa iido daro ah ee ku jira wixii  lays ku raaco waa lagu samraa ileyn cid la eersadaa majirtee waa karbaashkii fartiinee:

Ururadan lagu jaah wareersan yahay runtii shacaboow waa tii  laynoo hoos kaliyey wax tigii layska riixanayey Kursiga inaguna  iskamaynu garan waxa inooga iman kara kamaneynu showrin oo kamaynu fiirsan ileyn waxa aynu nahay dad markasta qiireysane mana naqaano waxa aynu u qiireysanahayaba si kale markaad u eegto waxaad odhaneysaa koley inta Ururo furatey ama wax ka wadaa waa intii  hantida Umada ku shubatey Jeebka markaas in ay waxkaga soo noqdaan oo alla uga soo qaadee ma xumaad ayad odhaneysaa lakiin lama odhan karo raga Ururada wada waxa ay wadaan faa iido hadiiba ay yihiin rag dadka iyo dalka mustakhban kiisa ku hamiyaaya inta joojiyaan waxan ay ku jaa wareersan yihiin bay ka fikiri lahaa yeen maaxaynu u tar teymeynaa ma wadankan sii kala siida sidee baynu iskugu so jeedinaa maxaa dadku tabanayaan marka ay mideeyaan shacabka aey waxa iska soo sharixi lahaayeen Ururuda qaran kee jira :

Tabashada darafyadu maxay daaran tahay  waxa la odhan karaa maanta wadan kii waxa uu ku soo ururey Hargeysa hargeysana S/land noqon mayso lamana kala marmi karo hadii la rabo in ay S/land noqoto meel sii jirto oo lagu sii tartamo dadka wax garadka ah ama Aqoon yahayn ka wadan ka wax hala waydiiyo oo sidii wadan ku u sii jiri lahaa halagala tashado wadankana halaga joojiyo mash quulkan la galiey ee ah Xusbiyadan dadkii waaley
dagaal aan laba qaadi karey wada hadal baa ka fiican markaas waxaan leeyahay dadku waxa ay tabanayaan way iska cadee yaan lays ka ina tirin hadii kale wuxuun bay ku danbey dharaartii uu sheegey Abwaan Gaariye oon filayo in ay maanta tahayba:

waxaan leeyahay dadka iyo dalka cidii loo doorteyey ka joojiya jaawarerka dagaal hadii aad meel kale u socotaana
sifiican u cadeys ta oo ay ku jirto raganimo oo waxaad tidhaah daan shacaboow waxa aanu rabnaa sidaas iyo sidaas
aanu wax u wadneeye nagu ogaada koley shacabka reer S/land malaha han sida u sareeya ama himiladoodo waxa ay ku kooban tahay waa qiiro qiirana inta ay shaqayn karto waa la garan karaa sida runtiiyana dadka reer S/land waxa ay meel u gaadhi laayihiin waxa weeye hamigooduba waxa uu ku soo ururtaa uun waa qiiro qiirana inta ay ku haysaa way iska yartahay mana laha himilo fag kafiirsi wixii la soo gurboonaada in ay kula noqdaan dadkooda aqoonta leh sida Abwaanada Aqoonyahan kooda dadka saa xibul aqliga ah Culimadooda odayaashaado Dhaqanka si ay u maareeyaan lakiin waxa ay iska dhaafiyaan waa qiiro wakhtigeeduba kooban yahay :

waxaan leeyahay wadan kii waxa ka soo mudh baxay qabiileysi qabyaalada labadasina sidaan filayo waxa laga dhaxlo
waa la wada garanayaa lakiin waa layska indho tirayaa ee waxa ay ina dhaxalsaan yaynaan hadhow yaan laga caban
hadiiba aynaan maanta iska kaadhina waxa iman doonta maalin aynaan gaadhi doonin wuxuun bay ku danbey dharaartii uu sheegey Abwaan Gaariye oon filayo in ay maanta tahayba Gabeygaas gaariye oon ka soo qaatey wax yar oo kooban oon filayo qofkii wax garad ah in uu  xigmad kala dhex bixi karo in yar oon ka soo qaatey

waatan Dharaar baa iman doonta -hadaan Eebahay ceymin -afku uu hadal daayo.
Dharaar baa iman doonta- dab munaafaq istaadhay- sidii aayar gubtaa ama duur olol taabtay- arligoo dhan dhameeya.
Dharaar baa iman doonta- iyadoo is wada weyday- oodo loo rogi doono.
Dharaar baa iman doonta -Imaaraadka sidoodiyo ninba aag ku go´doomo.
Dharaar baa iman doonta- dadka Sool iyo Awdal ee- Aadanow hagrateen -raacdadoodu adkaato
lagu raadsho ileys.
Dharaar baa iman doonta-irsiqa laysku cidhiidhiyoo- wax la uunto la waayo.
Dharaar baa iman doonta mujrim -oogo madowoo- islaam sheeganayaa agablaay hambadaada- isa sii kaba raasho ku darsoo Axmed-doolow- waxaan ahay xog-ogaaloo hir fog baan arkayaa- orna waa maqlayaa waxna way urayaan.
Aaminaay waan gabyayaa -nin abwaanana waan ahoo- ereygiisu tuf leeyahay -Hadeydaan i adeecinoo- ergedaan ahay maanta ka abaal ka dhacdaan- Ilaahay balankii ibtilaa dhici doonta

Dhulkay eyro ku fooftana Afrikaan madmadowiyo
Ajnabaa degi doona iyagaa talin doona:

 

Comments are closed