|

XALADA BUHODLE + SHIRKA LONDON + TALO , MUDANE A. M.M. SILANYO

illahay aya mahad leh 

marxalad cakiran ayuu dalku ku jira markay noqoto dhan siyasadeed iyo dhan milatryba dhibaatadii abid ugu adkayd e 20 sano so wajahda jamhuuriyada somaliland aya manta tagan 
xaaladan haysatana waxay ahayd in mudo dheer laga qaato go’aan meel mar leh oo lagu xaliyo sida hadba ugu khayrka badan e illahay ina wafajiyo 

dagaalka sokeeye ee ka bilaabmay buuhoodle waxaan odhan kara wa dagaal sokeeye marka hore wa dad walaaleheen ah wa dad aynu isku dhiig iyo diin nahay wa dad aynu isku deegaan nahay in kasto ay hadal wanagsan imika la isla dhaafay o dhiigba daatay hadana caano daata dabadood la qabay balaayona af la qabto ayay leedahay e dabo la qabto ma laha marka imika wali wa afkeedi hadii aan manta la qaban oon la isku dayin sidii xal looga gaadhi laha mushkiladas bari meel la qabto ma yeelanayso o meel waliba way ku siibanaysa marka intii dhimatayna alle ha u naxariisto intii dhawacantayna alle nabar xaq daro ha uga dhigo o ha ka cafiyo xabad kalena yanay labadeena dhinac toona aanay ka dhicin

ninba yidhi baroortu orgiga ka wayn marka arinkan ka taagan buhoodle iyo taleex toona maaha mid ay colaadi inoo dhaxayso ama la inagaga so duulay e boogtu halkay ka qudhuntay wa la saraye arintani waxay ka so unkantay wa garoowe yaan laga leex leexan runta mar ha la is raacsado o halaga wada nafso shacab iyo dawladba in lagu meerayso buuhoodle maaha iyo dhulbahante wa rag reer somaliland ah 

hadaan in yar ka hadlo arinkan siyaasada arimaha dibada iyo siday ku socotoba shirka london waxa lala tagaya waxa weeye somaliland o hogaamiye koxeed ah ayuu madaxwayneheenu la shir tagaya wa siday u muuqato e manta o kale may ahayn ama wa nasiib xumo inaynu somaliwayn dhinac fadhiisano marxalad dagaal ah ayaa lagu so qaaday somalialnd waxay ahayd inaynu xuduudeheena adkaysano o milatrygena niyada u dhisno 

ninka askariga ah e ka dagaalamaya jiida hore niyad jab wayn ayay ku noqonaysa hadii aw maqlo madaxwaynihiini aya ninkad la dagaalamaysay garab fadhiya ama shir lagu heshiisinayo ku jira runti qalbi jab ayay ku noqonaysa sidaasna hadii ay ku sii socoto wadankan yar ee aynu so nabnabnay e ku jira khalkhalka siyaasadeed waxa ugu darsami khalkhal amni hadii taas la helona somalia meel farta lagu fiiqo wa la waayi ka dib waxa iman dib u soo noolayn taliski dumay e siyad bare 

nimanka aynu leenahay aynu la shirno ama aynu la midaywno wa nimanka tagan manta e ku shira ee idaacadaha iyo war baahinta ka sii daya wixii hore lo odhan jiray somalia ha la hoos geeyo afriga o gumaysi madaw ah ha maamulo madaxwayne african ahina ha u noqdo madaxwayne bal u fiirso hadalka akhriste waxad odhanaysa nimanka ku taliyay waxasi maskaxdoodu may fayoobayn !! lakin wa run xal kale ayaa la waayay waxay ogaadeen in aanay sinaba ku dhici karin illahay o dhankiisa ka sahla moye in ay somali koonfureed is maamulaan o isu hogaansaman ama kala amar qatan 

cali khaliif galaydh cali xal waxa aw mooday inu samaysto koox aw kaga qadhaabto caalamka sida shirka london lagu qaban doono mantaba wu ka qayb galaya wayo wa nin somali ah o dagaal ku jira o u dagaalamaya waxa ay hogaamiye kooxeedada kale u dagaalamayan 

talo ku socota madax waynaha somaliland mudane ahmed mahamuud silanyo 

mudane madaxwayne waxaanu kugula talinayna in aanad marnba ku fikirin inad ka qayb qaadato shirka london e la isugu keenayo hogaamiye koxeedada somalia 
magacaga iyo sharaftada o huwan ti somalialand o dhan iyo qaranimada ayay meel ka dhac ku tahay wa marka kobade 
marka xigta wax dan ah o inoogu jira ma jiran manta shirkas 
jiritanka somaliland wa ku lid o hadii manta fursada laga helo cawaaqib xumo ka danbaysa ayay ka tagi doonta dad badan o kuu so ducayn lahana way ku so nacladayan 
waxay la mid tahay 1960 kii tii aynu ku dhacnay ee aynu ku tuurnay calankeeni 
20 sano ka dib hadaynu mar labaad ku tuurno calankeena wa masiibo qaran marka talada iyo tusaalaha wa la isku leeyahay waxna wa lakala qata in aanad ka qayb galin haba yaraate ayaanu ka codsanayna mudane 

ta kale in aad xuduuda wadanka sugto weeye oo ajaanibka hubaysan ee casimada dul maraya diyaraadaha milatry e shacabka khal khal iyo naxdin galinaya inay amar ku so galaan weeye oo aad ka askhkatooto kana hadasho oon la iska so galin dhulka somaliland iyo cirka somalilandba 

midnimada iyo qaranimada sidii aad ugu timid bartii uga sii qad oo kor ayay u socotay ee kor u sii wad yaanay dib kaaga noqon 

shacabka waxan leeyahay isku duubnaan wa lama huraan inaynu cadawgeena iyo nasteexeena gudo iyo dibadba kala garano weeye inaynu midnimada iyo qaranimada jiritaanka somalailand si kastaba ha qaadatee aynu u hiilino o nabadeena iyo dhulkeena la ilaashano siyaasiyiinta weeye 
 
alaa mahad leh 

 

Comments are closed