Uncategorized

Jaamacada Hargaysa oo daahfurtay Barnaamij Cusub iyo Wasiirka Qorshaynta oo ka Hadlay

Hargaysa 03.Dec 2013 (SDN)- Wasiirka wasaaradda Qorshaynta Qaranka dr Sacad Cali Shire ayaa maanta jaamacadda hargaysa ka furay barnaamijka cusub ee barashada Takhasusuka Qalliinka indhaha ee shahaadada Master-ka kaas  oo lagu soo kordhiyey tacliintii ka bixi jirtay Jaamacadaasi.

Munaasabadaasi waxaa ka soo qayb galay mas’uuliyiin iyo aqoonyahano kala duwan oo ay wehelinayeen Proffosoora-da bixin doona tacliinta cusub ee jaamacadaasi lagu soo kordhiyey oo ka kala yimid dalalka Sudan iyo Pakistan, tacliintaas oo kooraskeedu socon doono muddo labo sanadood ah ardayduna ay waxbarashadooda ku qaadan doonaan Jaamacadda Hargaysa iyo qaybta indhaha ee Cisbitaalka Manhal

Dr Maxamuud axmed Shiino iyo Proff Hafiis Rahman oo ku hadlay afka bahda caafimaadka ayaa tilmaamay faa’iidada ay bulshada u yeelanayso xidhiidhka caafimaad ee ay samaynayaan Dalalka Somaliland iyo Pakistan. Isla markaana ay furitaanka tacliintan cusub fursad u tahay shacbiga Somaliland iyo guud ahaan Gobolka Geska Afrika, iyadoo kor loogu qaadi doono aqoontii ay dhinaca indhaha u lahaayeen dhakhaatiirta Somaliland, taasoo la gaadhsiin doono illaa heer MASTER.

Gudoomiyaha Jaamacadda hargaysa Proff Cabdi Xuseen Gaas oo isna halkaasi ka hadlay waxa uu xusayfaa’iidada ay tacliinta sare u leedahay aadamaha iyo sida ay jaamacaddu had iyo goor u abbaarayso helitaanka iyo kor u qaadista tacliinta lagama maarmaanka u ah bulshada Somaliland.

Wasiirka wasaaradda Qorshaynta Qaranka dr Sacad Cali Shire oo ka hadlay munaasabadii furitaankii barnaamijka takhasuska indhaha ee jaamacadda hargaysa ayaa tilmaamay in qorshayaasha horumarineed ee dalka ka socda sees looga dhigay tayaynta tacliinta sare,

Hawlwadeeno ka socday dhinacyada caafimaadka iyo aqoonyahano kale oo madashaasi ka hadlay ayaa iyaguna kula dardaarmay dhakhaatiirta bilaabaysa aqoonta dhinaca indhaha ee derejada Master-ka inay ka faa’iidaystaan waxbarashadaasi.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com