|

Jabuuti oo Ciidamada iyo dibedbaxayaashii kala bateen

Jabuuti Dec 30,2011(qurbejoog.com)-Maanta gelinkii danbe ayaa loo balansanaa in Jabuuti la isugu soo baxo si markaasi axsaabta mucaaridku u muujiyaan sida aaney ugu qanacsaneyn xaalada dalka.

Axsaabta Jabuuti ayaa laba todobaad ka hor iclaamiyay in maalinta dec 30 ka tahay oo maanta ku beegneyd dalka guud ahaan laga dhigo isu soo baxyo.

Wadooyinka Jabuuti ayaa saaka waxa buux dhaafiyay ciidamo kuwa amniga ah oo loogu soo toosay.

Ciidamada oo dhawaan la faray in aaney fasax u bixin ayaa xalay saqdii dhexe la dhigay xaafadaha ay mucaaridku ku badan yihiin Jabuuti.

Aadan Rooble oo xukuumada Jabuuti ay hore uga faramaroojisay xisbiga PNP oo si weyn u abaabulayay isusoo baxa ayaa aqalkiisa la hor dhigay ciidamo kuwa amniga ah.

Si kastaba ha ahaatee waxa muuqda in xukuumada Jabuuti ku guuleysatay in ay mar kale baajiso isu soo bax looga horjeeday.

Mase cada inta ay wadi karto is hortaaga shacabka dhaliilsan xaalada dhaqaale iyo ta siyaasadeed ee dalka Jamhuuriyada Jabuuti.

 

Qurbejoog-Jabuuti

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed