|

MSF oo shaqaale labaad uga geriyooday weerarkii shalay lagu qaaday xaruntooda Muqdisho

Nairobi Dec 30-2011(qurbejoog.com)-Waxa maanta geeriyooday shaqaalihii labaad oo u dhintay weerar uu shalay xarunta MSF ku qaaday mid ka mid ahaa shaqaalihii xaruntaasi.

Ninkan manta geeriyooday ayaa dhaawac shalay soo gaadhay u geeriyooday iyada oo shalay uu geeriyooday madaxii MSF ee Soomaaliya Mr Philip Havet.

MSF ayaase shaaca ka qaaday isla shalayba in aaney hakin doonin hawlaha ay ka wado dalkan khataradiisu foro badan tahay.

MSF ayaa hawlo caafimaad u badan ka wada guddaha dalka Soomaaliya mudo sanado ah.

 

Qurbejoog-Nairobi

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed