Hargaysa 20.March 2016 (SDN/QJ):- Waxaa Maanta Magaaladda Hargaysa lagu qabtay Munaasibad lagu furayay Safaaradda dalka Jabuuti ku yeelan doonto Caasimada Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargaysa.
Munaasibada furitaanka Safaaradda Jabuuti ee Somaliland Waxaa ka qayb galay Gudoomiyeyaasha Sadexda Xisbi qaran ee Kulmiye,Ucid iyo Waddani,Mas’uuliyiin ka tirsan Golaha Wasiiradda, Qunsulka Safaarada Jabuuti ee Somaliland iyo Jaaliyada Jabuuti ee Ku dhaqan Somaliland.
