|

Jamaahiirta oo saanadii u badneyd la wadaagay Jabhada Beesha Garxajis iyo Madaxtooyada oo aan hrdo laga ledin habeeno

Hargeysa July 26, 2023 (QJ) – Dadka degaanada SSC ee dagaalka kula jiray Muuse Biixi ciidamo ka amar qaata ayaa markii u horeysay ay soo baxeysaa in ay saanad ciidan la wadaageen Jabhad lagaga dhawaaqay Gudaha Somaliland oo ka hortimi hogaanka HEEGO.

Dagaalyahanada SSC oo ka gaabsaday in ay wada shaqeyn toos ah la yeeshaan Jabhadan cusub ayaa hadan fulisay balanqaad taageero oo ay hore u fidiyeen.

Dagaalyahanada SSC ayaa saanad u badan rasaas ugu deeqaya jabhada oo la filayo in wadashaqeyntoodu sii kororto kolka rasaastu afka ka baxdo.

Jabhadan oo u badan beelaha Garxajis ayaa hadan taageero ka helaya dulmidiidka beelaha kale ee Somaliland,  waxaney haatan isku urursanayaan Buuraleyda Gacan Libaax, halkaa oo tiradoodu maalinba maalinta ka danbeysa sii kordheyso

Jabhadan dulmidiidka ah ayaa waxa si weyn u abaabulaya una maalgelinaya Qurbajoogta oo aduun faro badan soo ururiyay, isla maarkaana hore u gaarsiiyay boqolaal kun oo dollar.

Dhalinta reer Somaliland ee magaalooyinka buuxdhaafiyay iyagoo camal la’aana isla markaana daawanayay dhigooda HEEGO ku abtirsada oo laba ama sadex shaqo heysta ayaa haatan si mug leh ugu biiraya.

Dhalintan waxa weheliya haraagii dagaalyahankii jabhadii SNM ee qudhooda la duudsiiyay xuquuqdii ay dalka ki lahaayeen.

Si kastaba ha ahaatee Cornelada ka arimiya Somaliland ayaa haatan wejahaya mucaaradadii ugu balaareyd kol hadii ay meesha ka beexeen madaxdii axsaabta Mucaaridka ee iyaga la shaqeysanayay.

Comments are closed