|

Shabaab tiro badan oo lagu laayay degaanada Koonfur Galbeed

Baydhabo July 2023 (QJ) – In ka badan 60 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal ay ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ay ka sameeyeen deegaanka Ceel-dhuun Agoow ee gobolka Baay.

Wasaaradda Warfaafinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgalkaasi ciidanku ay iska kaashadeen sidii loo cirib tiri lahaa Al-Shabaab, loona soo celin lahaa nabadda iyo xasiloonida deegaanada ay dhibaatadu ka dhacday.

Sidoo kale, Guutada 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ka warbixisay Howlgallo lagu soo qab qabtay xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ka dhacay inta u dhaxeysa Waajid iyo Goofguduud.

S/Guuto Xasan Isaaq Cumar, Taliyaha Ururka 60-aad ee Ururka Al Shabaab, ayaa wuxuu xaqiijiyay in hawlgalada ay ka sameeyeen deegaanadaasi lagu soo qab qabtay tiro ka tirsan Shabaab.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu carabka ku dhuftay in Ciidamada qalabka sida oo ay wehliyaan kuwa Gobolka ay sii wadi doonaan weerarada ka dhanka ah Al-Shabaab inta laga adkaanayo.

Sidoo kale, Sarreeye Guuto Xasan Isaaq Cumar ayaa ka warbixiyay miinooyin ay Al-shabaab dhigeen deegaannada Waajid iyo Goof-gaduud, taasoo khatar ku ah nolosha dadka rayidka ah ee ku nool gobolladaas.

Dowladda Soomaaliya oo taageero ka heleysa saaxiibada caalamka ayaa ku celisay sida ay uga go’an tahay ka hortagga iyo ka adkaanta Al-Shabaab.

Comments are closed