Uncategorized

Joojinta Caruurta la askariyeeyo ee Kooxda Shabaab ka faa’iidaystaan oo laga bilaabayo Shabeelada Hoose

Shabeele 17.Sep 2013 (SDN)- Maamulka gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay inuu la dagaallami doono askareynta carruurta gobolka.

Ku simaha guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose, Cabdullaahi Muuse ayaa sheegay inay ka hor-tagi doonaan in la askareeyo carruurta gobolka, ayna wadaan qorshe arrinta wax looga qabanayo.

Cabdullaahi wuxuu ku eedeeyay kooxda al-Shabaab inay si khasab ah u askareyso carruurta da’doodu ay yar tahay si ay uga qeyb-galaan dagaalka kooxda ay kula jirto dowladda federaalka iyo AMISOM.

Hadalkiisa ayaa imaanaya iyadoo qaar ka mid ah waaliddiinta ku nool tuulada Kurtunwaarrey ee ku taalla gobolka ay ka cowdeen in si xoog ah lagu askareeyay carruur ay dhaleen.

Shabeele SDN.

Qurbejoog.com