Uncategorized

Ka Bixitaanka Magaalada Baraawe Oo Lagu Tilmaamay Gabalkii Al-shabaab Oo Sii Dhacaya

Baraawe:Oct,06,2014(SDN/QJ)-Xoogagga AMISOM iyo Dawladda Federalka ah ee Gacanta ku dhigay Magaalo xeebeedda Barawe, ayaa Guul iyo horumar ku tilmaamay tallaabadaas, waxana ay ku adkaysanayaan inay si fudud Goobaha Hadhsan u qabsan doonaan.

naruuSilas Ntigurirwa, Taliyaha Ciidanka AMISOM ayaa sheegay in La wareegista Baraawe ay ka dhigan tahay Gabalkii Al shabaab oo dhacay mar haddii Xaruntoodii ugu weynayd ay gacntooda ka baxday, islamarkaana hadda heli karin Illo dhaqaale.

“Waxaan ognahay in Dagaalka Fool-ka-Fool ah aan uga guulaysanay Al shabaab, waxaa suuragal ah inay soo qaadaan Weeraro Dhuumaalaysi ah oo Ku-dhufo-ka Dhaqaaq ah, taasina waan ka gaashaamanay oo waxaan diyaarinay Ciidamo waxaas u tababaran,” ayuu yidhi Taliyaha AMISOM.

Wuxuu sheegay in Ciidanka Soomaaliya ay u tababareen inay wajahaan oo ay ka hortagaan Weerarada dhuumaalaysiga ah ee Al shabaab oo ay ka gaysan karaan Magaalooyinkii laga saaray dhawaan & Muqdisho.

Taliyaha AMISOM ayaa xusay in Hogaamiyaha Cusub ee Al shabaab Axmed Cumar (Abu Cubayda), uu la wareegay Talada, iyadoo Guul darooyin isdaba joog ah ay Kooxdiisu la kulmayso, sidoo kalena Maanta isaga baxeen Saldhigoodii ugu weynaa.

Markii uu Mareykanka Duqeyn Cirka ah ku dilay Billowga Bishii lasoo dhaafay, Maskaxdii waday Al shabaab Axmed Godane, waxa meesha kasii baxaya quwaddii iyo karitidii kooxda Al-shabaab, waxana ay si joogto ah u luminayaan deegaano muhiim ah.

Tan & Bishii Maarso 2014, Al shabaab waxa ay lumiyeen in ka badan 15 Degmo oo aanay ku dagaalamin marka laga reebo Degmada Qoryooley, waxaana Ciidamada DFS & AMISOM sheegeen in inta kale ee hadhay ka saari doonaan Biloowyinka soo socda.

 

Haddaba khubarada Dagaalku waxa ay sheegayaan inay tallaabada noocan oo kale ah eek u dhacday kooxda Al-shabaab ay noqon karto inuu Gabalkoodii sii madoobaanayo, balse taas Beddelkeeda la filan karo dagaallo ku dhufo oo ka dhaqaaq ah oo ay kooxdu ka fuliso Goobo kala duwan, maadaama haatan aanay jirin meel ay dhaqaale joogto ah ka heli karaan.

Ururka ayaa si joogto ah ula kulmayey dhirbaaxooyin dagaal oo kaga imanayey dhinacyada AMISOM iyo ciidanka dawladda, waxana  sababta haatan ay uga baxeen magaalada Barawe lagu sheegay inaanay u suurtoobayn inay ka hortagaan hubka iyo tawaangiyada casriga ah ee AMISOM, waxana ay taas Beddelkeeda Doorbideen inay Duurka u yaacaan.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com