Uncategorized

“Waan tallaabayaa oo halkaas ayaan qori kasoo ridayaa isagana(suldaan wabar) waxba u tari mayso, Dadkii shacabka ahaa ee Awdalna waxba u tari mayso, somaliland-na wax ay u taraysaa ma jirto” Axmed Ismaaciil Samatar.

Hargeysa:Jan,17,2015(SDN/QJ)-Aqoonyahan Axmed Ismaaciil Samatar, ayaa markii ugu horraysay si cad uga hadlay mawqifkiisa ku aadan Suldaan oo dhawaan ku dhawaaqay inuu dagaal la geli doono Somaliland, isla-markaana u baxay Deegaano kamid ah Gobolka Awdal.

axmed ismaaciil samatarProf. Samatar oo u warramay qaar kamid ah Saxaafadda, ayaa sheegay inuu aragti ahaan kasoo horjeedo Mawqifka Suldaan wabar, isla-markaana ay tahay fikir aan Haboonayn.

Waxa uu Axmed Ismaaciil Samatar tilmaamay khalad aan la qaadan Karin, waxana uu carrabka ku adkeeyey inaanu suldaankaasi la tashan dadka deegaanka Awdal, isla-markaana uu qalad ka galay bulshada Reer Somaliland,

“Arrintaasi waa khalad, iskuhayn waddan haddii ay cidi ciyaar ciyaar iyo ciir ciir ku hayso wax dambe oo la dhisan karayaa ma jirto, ninkaas suldaanka sheegtayna qof bulshada deegaankaas ahna lama uu tashan oo isagaa iska orday, markaa waxan qabaa inuu dadkii deegaankana qalad ka galay umaddii somalilnad-na uu qalad ka galay, tallaabada caynkaas ahina waa iskudagyii ugu dambeeyey ee marka aan doonayso inaad wax burburiso.” Ayuu yidhi Axmed Ismaaciil Samatar.

Waxa uu Professor-ku sheegay in tallaabada suldaanku qaaday ay tahay mid aan cidna dan u ahayn, isla-markaana aan la garwaaqsan Karin, waxana uu yidhi,

“Waan tallaabayaa oo halkaas ayaan qori kasoo ridayaa isagana waxba u tari mayso, Dadkii shacabka ahaa ee Awdalna  waxba u tari mayso, somaliland-na wax ay u taraysaa ma jirto”

Axmed Ismaaciil Samatar oo kasoo jeeda Gobolka Awdal, ayaa in badan ahaa shakhsi kasoo horjeeda Somaliland, balse waxa uu dhawaan ka noqday arrintaas, waxana uu haatan dedaal ugu jiraa isku xidhka Bulshda somaliland.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com