Asallamu calaykum waraxmatulahi wa barakaatuh marka hore waxa mahad leh allah (swt) suurto galiyay inaan amaan iyo nabad ku naaloono hadaan nahay reer Somaliland , oo aan ka doodno maalinba waxa taagan , hadaba hadaan u soo dago u jeedada qoraalkayga oo ah inaan shaqo la’aani jirin ee shaqaalo la’aani jirto oo aan talo ahaan u soo jeedinayo bulsho waynta reer Somaliland gaar dhalinyarada oo ah udub dhexaadka bulsho kasta , hadaba hadaan ujeedadayda idiin sii faahfaahiyo tusaale ahaan wadankeenu waa meesha ugu haboon ee ganacsi laga hirgalin karo islamarkaana si dhakhse ah u kobca , marka hore waxa muhiim inan korino maskaxdeena wakhtigana ka faa’iidayno oo aan wax barano waxa jira dhalinyaro ama jiil dhan oo bulshadeena ka mid ah oo inaga baxay oo qaarna dhinteen qaarna wadamo shisheeye qaxooti ku yihiin qaarna xabsiyada wadamada yurub iyo asia ba ay buux dhaafiyeen. Iyadoo dadkeena maskaxdoodi iyo muruqoodi iyo hantidoodiiba la xaday oo dadkii wax inoo bartay ee wax ina tari lahaa ay tahriiban iyadoo hadii lacagta laga bixinayo ee kolba laga dhacayo ay uga faa’iidaysan lahaayen sifooyin kale oo maalgalineed, hadaba qofku hadii uu wax barto waxa uu abuuri karaa (self employmen) ama (elf investment) oo ah in qofku naftiisa maalgaliyo oo uu isagu wax is taro , marka hore qofku intaanu helin ama daydayin ba lacag (capital) waxa ka horeeya in qofku la imaado qorshe ama plan isagoo lacagta u samayn kara qorshe fudud oo uu lacagna ku heli karo baahidana kaga bixi karo , taaso ah in suumeeya sanduuqa kaydka (saving) qofku haduu daily income kiisa ku sameeyo (saving) marka laga reebo (expenseska) ama kharashaadka baxaya wakhti yar oo kooban waxa u noqon karaaa qof haysta dhaqaale uu ganacsi ku sameeyo kagana maarmo gacmo shisheeye inay wax taraan , hadaba walaalayaal waxa fiican in maskaxda alle ku siiyay aad tuujiso oo aad uga faa’idayso sidii loogu talo-galay ama si u dhaw adoo muruqaaga iyo maskaxdaadaba galinaya dalkaaga si aad ugu ancfacdo dalka, dadka iyo naftaadaba , soomalidu waxay tidhaahdaa (hibo eebe ku siiyay habeen la iskama qaado) oo dadaalka aan ugu jirno inaan nolosha meeqaam sare ka gaadhno waxay ku xidhan tahay adoo dalkaaga aamina isla markana iimaankaga xoojiya oo aamina IIIaahay iyo in wixii Alle ku qoray aanay sinaba kugu seegayn,
Waxan ku soo gunaanadayaa in inta aydaan falin aad ka fiirsataan oo aad eegtan kuwii idinka horeeyay halka ay mareen iyo xaalada ay ku sugan yihiin, waa waxa laga murugoodo adiga oo hooyo iyo Aabbe kugu soo tabceen aad kala saari waydo meesha ku fiican iyo meesha aad ku hodmayso oo aad walidka dhibta ka daysaan , lacagteenii waxay u wareegtay dalal kale waana waxa inoogu wacan in kolba maciishadu inagu qaaliyowdo oo sixir barar aan wakhti lahayni ina dul heehaabo taas u daran ama dhibaato ku haysa dadkeena dan yarta ah.
Mustaqbalka fiicani wuxu ku jiraa gacmaahaaga iyo kolba kartida(performance) aad is geliso inta ay leeg tahay .
Wa bilaahi tawfiiq
Name: Ridwan Hussein abdi
Email : ridwaan42@hotmail.com
