|

Khasaarihii ka Dhacay Xabsiga Godka Jilicow oo Xukuumada Somalia ay ka Hadashay

Muqdisho 31.Aug 2014 (SDN/QJ)- Ugu yaraan 11 Ruux, ayaa ku geeriyooday dagaal ka dhashay weerar ay Malleeshiyada Al-Shabaab Duhurkii Axadda maanta ku qaadeen Xabsiga Godka Jilicow oo ku yaalla degmada Boondheera ee magaalada Muqdisho, kaasoo ay labada dhinac ee dawladda iyo Al-Shabaab-ba guul ka sheegteen.

jilicow-300x168Kooxda Al-Shabaab oo sheegatay Masuuliyadda weerarkaas, ayaa waxa uu Afhayeen u hadlay sheegay inay weerarkaas qaadeen iyagu, kuna guulaysteen inay gudaha u galaan Xabsigaas, isla markaana ku guulaysteen inay gaadhaan ujeeddadii ay ka lahaayeen fulinta weerarkaas. Hase-yeeshee, dawladda Federaalka Soomaaliya, ayaa iyaduna dhinaceeda sheegtay inay fashilisay weerarkaas.

Sarkaal u hadlay Ciidanka ilaalada Xabsiga, ayaa sheegay inay dagaalka weerarkaas ka dhashay ku dhinteen 11 Ruux, kuwaasoo uu sheegay inay 7 qof ka tirsanaayeen Malleeshiyada Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday, halka iyagana Afar Askari kaga dhinteen sida uu hadalka u dhigay.

War-Saxaafadeed qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Federaalka Soomaaliya oo uu ku saxeexnaa Wasiirka Wasaaraddaas Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo nuqul ka mid ah uu helay Xafiiska Aftahannews ee magaalada Muqdisho, ayaa u dhignaa sidatan:- “Agosto 31, 2014….Ciidamada amniga ayaa gaashaanka u daruuray weerar gaadmo ah oo ay xarunta xabsiga Jilocow ku qaadeen kooxda nabad-diidka Al-shabaab abbaaro 11:30-kii ee gelinkii hore ee maanta. Weerarka kooxda nabad diinka oo socday mudo 45 daqiiqo ah ayaa ciidanka dowladdu waxay ku dileen dhamaan xubnihii Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday.

Ciidamada amniga ayaa xaqiijiyay inay weerarkan ka qeyb qaateen 7 xubnood oo dhamaantood lagu dilay isla goobtii dagaalku ka dhacay. Sidoo kale, waxay ciidamada amniga iyo ilaalada xabisga Jilicow cadeeyeen in weerarkan fashilmay uu ahaa mid ay nabadiidku ku doonayeen inay xabsiga ugala baxaan qaar kamid ah Al-Shabaab oo maxkamadi xukun ku riday kuna jira xabsiga.

Kooxda Al-Shabaab ee weerarka fashilmay soo qaaday ayaa 5 kamid ah ku labisnayd tuutaha ciidanka nabadsugida. Waxayna xabsiga ku soo weerareen labo gaari oo qaraxyo ku xiran yihiin oo la gubay. Weerarkan argagixiso ayaa waxaa ku dhintay 3 kamid ah ciidanka nabadsugida iyo 2 qof oo rayid ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliyeed waxay ugu horeyn bogaadinaysaa ciidanka amniga dalka oo sameeyay horumar wax-ku ool ah. Waxay dhanka kale u tacsiyaynaysaa qoysaskii ay ka dhinteen naftood hurayaasha ka tirsan ciidanka aminiga iyo dadkii rayidka ahaa ee halkaasi ku geeriyooday. Waxayna si weyn u dhaleecaynaysaa falalka argagixiso ee ay soo abaabulaan kooxaha nabad-diidka ee Al-shabaab oo ah kuwo diidan nabad iyo horumar ka taabo gala Soomaaliya.

Muqdisho SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed