|

Khilaaf ka Aloosnaa Gebilay,Kana dhashay Raashin Mucaawimo ah oo maanta la soo afjaray {DAAWO}

Gebilay 30.April (SDN) Wasiirka Wasaarada Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigalinta Somaliland Mudane Abiib Diiriye Nuur “Abiib Tima Cad” oo ay Weheliyaan Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada,Maamulka Gobolka Gebilay,iyo Mas’uuliyiin kale ayaa maanta Kulan balaadhan la yeeshay Cuqaasha Gobolka Gebilay.

Kulankan ayaa Salka ku hayay Khilaaf ka dhashay Raashin Mucaawimo ah oo Dawlada Turkigu ugu deeqday Gobolka Gebilay kaas oo Sida Qorshuhu ahaa loo Qoondeeyay Gobolka Gebilay Saami dhan Laba Kun iyo Shan Boqol oo Kiish,hasa yeeshee Raashinka La Geeyay uu ku soo libin laabmay intii loogu talo galay,taasina ay keentay in Khilaaf soo kala dhex galo Maamulka Gobolka iyo Madax dhaqameedka Gobolka Gebilay oo isku afgaran waayay qaabka loo maaraynayo raashinkan

 

Gebilay SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed