|

Khubaro Shaaciyey Suurto galnimada in Dahabka lagu Daawayn karo Cudurka Halista ah ee Kansarka!!

Scotland 16. August 2017 (SDN/QJ):- Baadhitaan caafimaad oo dhowaan la sameeyey ayaa lagu ogaaday suurtagalnimada in dahab la shiiday lagula dagaalami karo cudurka kansarka.

Culimada seyniska oo ka tirsan jaamacadda Edinbrugh ee gobolka Scotland ee dalka Ingiriiska ayaa sheegay in dahabka loo adeegsan karo in lagu xakameeyo unugyada Kansarka.

Kooxdan dhakhaatiirta ah ayaa adeegsaday walxaha yar-yar ee uu ka koobanyahay dahabku oo loo yaqaanno Nanoparticles, isla markaana lagu dahaadhay maado kiimiko ah sida lagu sheegay baadhitaankan.

Inkasta oo aan wali lagu tijaabin bani’aadamka, haddana waxaa lagu rajo wayn yahay in mustaqbalka uu yarayn doono saamaynta ay reebaan dawooyinka lagula tacaalo cudurka Kansarka.

Waxaa xusid mudan in dahabku aanu khatar ku ahayn caafimaadka dadka, waxaana uu awood u leeyahay in uu la fal-galo dawooyinka ka samayn kiimikada ee loo adeegsado daawaynta kansarka.

Khubarada ayaa ku beeray dawadan maskaxda kalluunka, taasi oo uu ugu danbayn muujisay in uu si fiican u shaqeeyey.

Baadhitaan ayaa lala kaashaday Jaamacad ku taalla Spain oo ku shaqo leh arrimaha uur ku jirta ah ama unugyada il maqabadka ah.

Comments are closed