|

Gorgorka Mushaharka ugu Badan ka qaata Qaarada Yurub & Shaqadiisa oo ah inuu ilaaliyo Nadaafada Qalabka Xidigiska ee Hawada sare

London 16. August 2017 (SDN/QJ):- Arrimah ugu muhiimsa ee qalabka Xidigiska iyo hawada sare loo adeegsado (Astronomical equipment) ayaa ah inay nadiif ahaadaan , iyagoo markaasi u sheqeeya sida ugu wanaagsan.

Sidaas darteed xarunta European space station ee loo yaqaan Estrack ayaa shaqaalaysay shimbir Gorgor ah si uu ilaaliyo nadaafada xaruntan.

Gorgorkan oo lagu magacaabo Nalla ayaa u sheqeeya sida qof  ilaaliye ah ( bodyguard)  iyo kaaliye isagoo ka ilaaliya shimbiraha iyo dhammaan wixii nadaafadiisa waxyeelo u geysanaya iyo dhammaan xayawaanada kale ee hawada maraya, kuwaasi oo qaybta sare ee xaruntan waxyeelo dhinaca nadaafadda ah u geysanaya.

Adrian Rubio Botelho  oo ah ninka leh Gorgorkan ayaa ku tababaray inuu noqdo mid hawlahan ilaalinta nadafada si fiican uga soo baxa. Waxaana Gorgorkani qaata mushahar sare oo ah ilaaliyaha nadaafadda hawada sare.

Comments are closed