Hargaysa 28. July 2017 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Komiishanka Doorashooyinka qaranka C.qaadir Iimaan Warsame Iyo Afhayeenka Komiishanka Siciid Cali Muuse ayaa sheegay inay ka go’an tahay sidii ay dalkan uga hirgalin lahaayeen doorasho xor oo xalaal ah.
Gudoomiyaha iyo afhayeenka guddiga komishanka Qaranka Somaliland ayaa ka hadlay arrimo dhawr ah oo ay kamid yihiin qaadashada kaadhadhka codbixiyayaasha ee ka socda gobolada qaar,lacagta ay hadda u hayaan qabsoomida doorashada madaxtooyada Somaliland iyo arrimo dhawr ah oo kale.
