|

Koox dagaalo kula jirta Puntland oo ku biirtay Al Shabaab.

Gal-gala Feb 25,2012(SDN) Maanta ayaa Koox ka dagaalanta deegaanka Buuralayda Gal-gala ee duleedka Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari waxa ay shaaca ka qaadeen inay ku biireen Ururka Al Shabaab oo la xusuusan yahay in horaantii bishan ay ku biireen Ururka Al-qaacidda.

Hogaamiyaha Kooxdaasi oo lagu magacaabo Sheekh Yaasiin Khaalid Cismaan “Yaasiin Kilwa” ayaa waxa uu sheegay in hogaankoodu ay ku biireen Al Shabaab islamarkaana ay sii wadayaan dagaalada ay kala soo horjeedaan Maamulka Puntland.

Yaasiin Kilwa ayaa sheegay inay midoobeen islamarkaana ay Maamul ahaanba ka mid yihiin Ururka Al Shabaab oo uu hogaamiyo Sheekh Muqtaar C/raxmaan Abuu Zubeyr, isagoo tilmaamay in tallaabadaani ay tahay mid lagu farxo.

Afhayeenka Kooxda Al Shabaab Sheekh Cali Max’ud Raage (Cali dheere) oo la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay inay midoobeen dagaalyahannada ka dagaalama Buuralayda Gal-gala, wuxuuna carabka ku dhuftay in taasi ay dhabar jab wayn ku tahay dad cadow ku ah AL Shabaab sida uu hadalka u dhigay.

Afhayeenka Maamulka Puntland ayaa arrintaasi ka hadlay, waxaana uu sheegay in markii horeba kooxaha ka dagaalama Buuralayda Gal-gala ay ahaayeen Al Shabaab islamarkaana aysan waxba soo kordhin doonin ku biirtaankooda.

Kooxda ka dagaalanta Buuralayda Gal-gala ee dagaalada kula jira Maamulka Puntland ayaa la sheegay in markii hore dagaalkoodu uu  salka ku hayay qaab qabiil, hase ahaatee iminka ay cadaatay in kooxdaasi ay yihiin kuwa la midoobay Al Shabaab oo dhawaan la bahowday Al-qaacidda.

SDN-Galgala

 

Comments are closed