Uncategorized

Kormeer uu Madaxweyne Siilaanyo Galabta ku maray Qaybo ka tirsan Caasimada Hargaysa iyo Diyaar Garowga Xuska 18 May SAWIRO

Hargaysa 14.May 2015 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Qaranka Somaliland, Mudane Axmed Maxamd Silanyo waxa uu galabta markay saacadu ahayd 4:00 PM ilaa 6:15 PM uu kormeer ku soo maray suuqyada caasimada Somaliland ee Hargeysa, hotel Ambassador, iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland.

Kormeerkan Madaxweynuhu ku soo maray goobaha ugu muhiimsan caasimada ayaa daarnaa xogogaal u noqoshada xaalada guud ee shacbiga iyo goobaha ganacsiga.

Waxaanu madaxweynuhu socod lug ah ku soo maray badhtamaha laamiyada, suuqa koowaad ee waaheen, isaga oo gacan qaad iyo gacan tacantaagba u fidinaayey shacbigii ku sugnaa goobaha ganacsiga oo isugu jiray kuwo ka adeeganaayey iyo kuwii iibinaayeyba ama mulkiilayaashaba.

Madaxweynaha oo ganacsatada ku sugnaa suuqa waaheen qaar ka mida waydiiyey qiimaha qaar ka mida agabkii ku sharaxnaa miiska ayaa waxa ay indhihiisu qabteen calamada Somaliland ee xad dhaafka ah looguna diyaar garoobayey xuska 18 may oo ah maalin shacbiga Somaliland qiimo weyn ugu fadhida, isaga oo madaxweynuhu ka mid noqday dadkii laymanka ugu jiray inay iibsaday Calamada Somaliland.

Ka dibna waxa uu madaxweynuhu uga sii gudbay dhinaca hotel Ambassador oo uu la qaxweeyey wakhtina la qaatay dadweynihii ku sugnaa ee goobta joogay oo ay ka mid ahaayeen masuuliyiin iyo qaybaha bulshada.

Isaga oo madaxweynuhu badhtanka kaga jira kormeerkiisa xogogaal u noqoshada waxa uu soo maray suuqa labaad ee ugu balaadhan hargeysa ee loo yaqaan gobonimo, madaxweynuhuna dhex lugeeyey suuqa gobonimo ka dibna uga sii gudbay kaalinta indho-birta oo ka soo horjeeda suuqaasi, halkaasina uu madaxweynuhu ka tukaamaystay.

Ugu danbayna waxa uu madaxweynuhu soo kormeeray wasaarada Arrimaha gudaha Somaliland oo ah wasaarad cusub oo aad u qiimo badan dhawaana la dhamaystiray waxaana madaxweynaha ku soo dhaweeyey wasaarada wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland wasiir Cali Maxamed Warancade. madaxweynaha iyo marwada koowaad marwo aamina Weris Sheekh Maxamed Jirde oo ku wehelinaysay Madaxweynaha kormeerku waxay halkaasi ku qaateen qadar nasasho ah, ka dibna waxay ku soo hoyden qasriga madaxtooyada.

Waxaana kale oo madaxweynaha kormeerkan ku wehelinaayey.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancade
Wasiirka Maaliyada Samsam Cabdi aadan
Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Cali axmed Cali
Taliyaha Ciidanka Booliska, Cabdilaahi Fadal Iiman
Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada, Axmed Cali Maygaag
DSC_0006

DSC_0007

DSC_0008

DSC_0010

DSC_0015

DSC_0016

DSC_0018

DSC_0020

DSC_0025

DSC_0031

DSC_0036

DSC_0037

DSC_0046

DSC_0077

DSC_0090

DSC_0102

DSC_0108

DSC_0111

DSC_0119

DSC_0129

DSC_0133

DSC_0139

DSC_0151

DSC_0155

DSC_0166

DSC_0171

DSC_0178

DSC_0189

DSC_0191

DSC_0195

DSC_0198

DSC_0203

DSC_0206

DSC_0220

DSC_0233

DSC_0244

DSC_0247

DSC_0254

DSC_0255

DSC_0258

DSC_0259

DSC_0268

DSC_0277

DSC_0280

DSC_0284

DSC_0287

DSC_0292

DSC_0294

DSC_0295

DSC_0311

DSC_0319

DSC_0323

DSC_0326

DSC_0330

DSC_0341

DSC_0352

DSC_0362

DSC_0365