|

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha oo maanta qaabilay Wasiirka Horumarinta Dhaqaalaha iyo Xiriirka Caalamiga ee dalka Jarmalka

Muqdisho, March 31, 2012(SDN)-Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Ganacsiga Mudane C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa maanta qaabilay Wasiirka Horumarinta Dhaqaalaha iyo Xiriirka Caalamiga ah ee dalka Jarmalka Dirk Niebel.

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka ayaa kala saxiiday heshiis ku aadan sidii dowladda Jarmalku ay dhaqaalo ugu yaboohi laheyd horumarinta mashaariicda iyo dib u dhiska dalka, gaar ahaana caasimadda, waxaana labada dhinac ay warbaahinta u qabteen shir jaraa’id oo ay ku faah faahinayaan ujeedada kulankan iyo heshiiska.

“Waxaan maanta halkan ku qaabilnay Wasiirka Horumarinta dhaqaalaha iyo Xiriirka Caalammiga ah iyo wefdi uu hogaaminayo waxaana ka wadahadalnay xoojinta xiriirka dowladda Jaralka iyo dowladda Soomaaliyeed, iyo sidii dowladda Jarmalka ay gacan uga geysan laheyd taakuleyn dhaqaale oo la siiyo dowladda” ayuu yiri Mudane C/wahaab oo xusay in ay heleen balan qaad dhaqaale.

Wasiirka Horumarinta dhaqaalaha iyo Xiriirka Caalamiga ah Mr. Dirk Niebel ayaa isna dhankiisa sheegay in dowladda Jarmalka ay diyaar u tahay sidii ay gacan weyn uga geysan laheyd dib u dhiska iyo gacansiinta dowladda Soomaaliyeed.

“Waxaan maanta halkan ka balan qaadayaa in dowladda Jarmalku ay garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdaba, waxaana halkan ka balan qaadayaa lacag dhan 94 milyan Euro oo aanu ugu talo galnay mashaariic horumarineed, sida dib u dhiska caasimadda, biyaha” ayuu yiri Wasiirka oo tilmaamay in dowladda Federaalka KMG ah ay ka caawin doontaan la dagaalanka kooxaha argagixisada ah oo  Qatar xoogan ku haya nabadda iyo xasiloonida geeska Afrika.

“Waxaan ku faraxsanahay in aan imaado Soomaaliya muddo ka badan 21 sano, waana arrin muhiimad gaar ah inoo leh” ayuu mar kale yiri Wasiirka Mr. Dirk Niebel.

 

Comments are closed