|

Marwada Kowaad ee Somaliland oo Abaalmarin guddoosiisay Maayar ku-xigeenka Gabiley

Hargeysa Mar 31,2012(SDN)-Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Aamina Waris Sh. Maxamed Jirde ayaa Munaasibad ay Maanta ku qabatay Qasriga Madaxtooyada waxay Shahaado sharaf ku Gudoonsiisay Maayar ku xigeenka Magaalada Gebilay Marwo Khadra Xaaji Gaydh.

Waxaa munaasibadan ka qayb galay Xubno ka tirsan golaha Wasiirada,Xildhibaano , Haween , iyo Qaar ka mid ah madaxda aqalka Madaxtooyada.

Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo halkaasi hadal kooban ka soo jeediyay ayaa sheegay in waxqabadkii dhinacyada kala duwan lahaa ee ay marwo khadra xaaji Gaydh ka hirgalisay Magaalada Gebilay mudadii ay Maayarka ka ahayd ay tahay ta keentay in Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo uu ku cadeeyo khudbad sannadeedkii uu labada gole ee Guurtida iyo Wakiilada waxaanu wasiirku intaas ku daray in Marwo Khadra ay tusaale fiican u tahay maayarada dalka.

Marwada Madaxweynaha J.S.Land Aamina Waris Sh.Maxamed Jirde oo madashaasi ka hadashay ayaa tilmaantay doorkii firfircoonaa ee Maayarkii hore ee Gebilay ay ka qaadatay horumarinta kaabayaasha kala duwan ee nolosha bulshada gaar ahaan dhinacyada Caafimaadka,Waxbarashada, Wadooyinka iyo Wixii la mid ah.

Marwada Madaxweynuhu waxay sheegtay in Khadra Xaaji Gaydh ay sumcad iyo magac balaadhan u soo hoysay Guud ahaan haweenka Somaliland isla markaana ay ku baraarujisay sidii ay dumar weynaha Somaliland uga dhigan lahaayeen astaan ay ku daydaan.

Aamina Sh.Muxumed Jirde waxaa kale oo ay sheegtay in xilka qaranku uu yahay mid meerto ah waxaanay u soo jeedisay maayarka cusub .
Inuu halkii ay dhigtay ka sii ambo qaado waxqabadyadii ay hirgalisay maayar ku xigeenku Waxaa kale oo halkaasi ka hadashay maayar ku xigeenka magaalada Gebilay narwo khadra xaaji gaydh.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed